Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Qarax ayaa lala
beegsaday tareen ka mid ah kuwa London ee dhulka hoostiisa mara, waxaana lagu
soo warramayaa in qaar ka mid ah rakaabka tareenkaasi ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa ayaa dhacay 08:20
xilliga London, waxaana booliska iyo howlwadeennada caafimaadka ay gaareen
goobta uu ka dhacay oo ah boosteejada Parsons Green ee Fulham.
Boosteejada ayaa
la xiray, halkaasoo ciidamo fara badan la geeyay, wali ma jirto wax war ah oo
ka soo baxay Booliska.
Sawirro laga soo qaaday tareenka ayaa muujinaya in xajmiga
qaraxa uu koobnaa, oo aanu geysan burbur muuqda.
Warbaahinta UK ayaa soo tabanaya in dhacdadan ay dhalisay
dareen iyo feejignaan ku aadan qatarta kooxaha argagixisada ka imaaneysa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]