4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2017
PUNTLAND: Xaaji C/wali Gaas oo maanta lagu soo Dhaweeyay magaalada Bosaaso (Sawirro)

Jimco, September, 15, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Bosaaso ka dib mudo todobaadyo ah oo uu ku maqnaa dalka Sacuudiga ,halkasi oo uu ku soo gudanayay acmaasha xajka.

"Muddo sadex isbuuc ka badan waxaan jirney dalka Sucuudiga Arabia iyo dalka Imaaraadka oo aanu soosocod-kayagii soo marnay, dalka Sacuudi Arabia waxaanu u tagnay waxay ahayd gudashadii waajibaadka Xajka, si fiican bayna runtii noogu soo dhammaatay dalka iyo dadkana waan usoo ducaynay" ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta.

Mas'uuliyiinta madaxweynaha ku soo dhaweysay garoonka waxaa kamid aha gudoomiiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacayso , wasiirka kaluumaysiga ,wasiirka duulista hawada iyo Garoomada iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in safar gaaban ay ku soo mareen dalka Imaaraadka ,halkaasi oo ay kula kulmeen madax ka tirsan dowladda UAE ,taasi oo balan-qaadyo dhowr ah horey ugu samaysay dowladda Somalia iyo maamulada ka dalka ka jira.

Ugu danbayn, waa markii ugu horeysay oo madaxweyne xil ka haya Puntland uusoo xajiyo ,waxaana ay tani ku soo beegmaysa xilli ammaanka qaybo badan oo kamid ah Puntland uu soo hagaagayay maalmihi la soo dhaafay.

Faysal M. Hassan
[email protected]