4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2017
Khayre “Bulshada Soomaaliyeed waxaa ku jira dad leh hal abuurka ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dadkooda”

 
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa hadalkaas shalay ka sheegay mar uu ka qeyb-galay Bandhigga Caalamiga ee Buuggaagta ee ka socda Magaalladda Muqdishu.

Md. Khayre, ayaa kasoo qeyb-galayaashii bandhiga waxaa uu ku dhiirageliyay iney sii wadaan wax qorista. Dhinaca kale waxa uu ammaan ballaaran u jeediyey qaban-qaabiyaasha carwada.

Mudane khayre oo khudbad u jeediyey dadkii ka soo qeyb-galay bandhiggan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku jiraan dad leh hal abuurka ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dadkooda. 

 

Dadka ayaa iibsanayay buuggaagta kala duwan ee lagu soo lagu soo bandhigay carwada buugaagta, waxayna isugu jiraan kuwa taabanayay qisooyin gaar ah, sheekooyin, taariikh, suugaan iyo arrimaha qoyska , sidoo kale waxaa buugaagta ka mid ahaa kuwa ku qornaa afka English-ka oo ka hadlayay xaalada dalka Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia