4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2017
Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiiya oo ka digtay qaadka Awaday ee Oromadda in la cunno

 

Jimco, September 15,  2017 (HOL) –Dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya ayaa dadka Soomaalidda uga digtay in ay maraan jidka u dhexeeya Jigjiga iyo Addis Ababa oo ah deegaannadda Oromadda.

Dawladda deegaanka Soomaalidda Itoobiya waxay sheegtay in qofkii deegaanada Soomaalidda ka tagaya ee Addis u socda uu diyaaradda raaco, hadii uu Addis Ababa joogana uu diyaaradda ka soo raaco, maadaama oo jidkaasi Oromada ee la mari jiray halis u tahay qowmiyadda Soomaalidda oo deegaankaasi laga diidan yahay.

Sidoo kale, waxay dadweynaha Soomaalidda uga digeen in ay cunaan Qaadka Awadayga loo yaqaan oo uu sheegay in la sumeeyey,isla markaana in ka badan 23 qof u sumeemeen qaadkaasi, qaarkoodna u geeriyoodeen.

“23 qof ayaa u sumoobey qaad ay cuneen, markii aanu baadhnay waxaanu ogaanay in uu ahaa Qaadka Awaday oo la soo sumeeyey si soomaalidda loogu laayo, sidaas darteed bulshadda Soomaalidda waxaan leeyahay ha cunina qaadkaasi, qofkii cunaa markiiba beerka goo’goya shan daqiiqaana nafta kaga baxaysa”ayuu yidhi Axmed Maxamed Koore oo ah wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI.

Dhinaca kale, guud ahaan Somaliland waxa dhuumasho ku joogoo oo ganacsigii ay lahaayeen gabi ahaanba joojiyey Qowmiyadda Oromadda ee Soomaaliland ku sugan, kuwaas oo ka qabsi qaba in loogu aaro, iyadoo habeen horaba laba ka mid ah Oromadda Hargeysa duleedkeedda lagu dilay iyagoo usii baxsanaya dhinaca Itoobiya.

Inta badan waxay magaaladda Hargeysa ku leeyihiin meheraddo casri ah oo Timo xiiro ah ama Ra’islayaal, haseyeeshee ilaaa laba cisho meheraddii way xidhan yihiin, waxaanay ku dhuuminayaan guryahoogii, halka Oromaddii suuqyadda dhex dawarsan jiray gabi ahaanba la waayey oo iyaguna cabsi soo gashay.

Xukuumadda iyo dadka ehlu caqliga ayaa warbaahinta ka sheegay in dadkaasi martidda ah aan la waxyeelayn,isla markaana shakhsiyaadka Soomaalida ku leeyahay Hawaday aan loo qabsan Karin kuwo masaakiinta ah ee wadankeena dhex jooga ee martidda u ah shacabka Somaliland.

Sidoo kale, Jaadkii ka iman jiray Hawaday ee Itoobiya ayaa gabi ahaanba dalka iman,waxaana ganacsataddii jaadka keeni jiray u leexdeen dhinaca Kenya oo ay diyaaraddo ku keeneen jaadka Miirooga loo yaqaan, hasse ahaatee inta badan reer Somaliland jaadkaasi ma cunaan, taas oo wakhti ku qaadanaysa in ay la qabsadaan cunistiisa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland