SAWIRRO: Madaxweynaha Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay magaalada Doolow ee gobolka Gedo
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) –Wafdigii uu horkacayay Madaxweynaha ayaa markii ay gaareen magaalada Doolow waxaa garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyay wasiirka amniga Jubbaland Mudane C/rashiid Xasan C/nuur, Xildhibaanno, gudoomiyaha gobolka, iyo masuuliyiinta qaar kamid ah degmooyinka gobolkaasi.
Madaxweynaha waxaa safarka uu ku tagay Doolow ku wehlinayay Wasiirka arimaha gudaha Jubaland Mudane Ma’xed Warsame Darwiish, Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Mudane C/raxmaan Max’ed Xuseen, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka amniga Jubbaland oo kamid ahaa madaxdii garoonka kusoo dhaweeysay wafdiga Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga uu horkacayo Madaxweynaha Jubaland ee gaaray gobolka Gedo, isagoo sheegay in Madaxweynaha iyo xubnaha la socdaba ay gacmo furan kusoo dhaweeynayaan.
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in safarkiisa uu ku qotomo arimo la xiriira amniga iyo weliba sidii madaxda gobolka ay uga wada hadli lahaayeen arimo la xiriira nabadgelyada iyo la dagaalanka kooxaha kasoo horjeeda dowladda.
Madaxweynaha ayaa xusay in uu booqan doono degmada Baladxaawo oo ay dhawaan dagaallo ku dhexmareen Al-shabaab iyo ciidamada Jubaland, isagoo sheegay in mudada uu joogo gobolka uu la kulmi doono masuuliyiinta gobolka iyo ururrada bulshada rayidka ah ee gobolkaasi.
Waxa uu sidoo kale sheegay in mudo dheer uu ku sugnaan doono gobolkaasi.
Safarka uu Madaxweyne Axmed Max’ed Islaam ku tagay gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya ayadoo Al-shabaab ay dhawaan weerar qorsheeysan ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ku lahaayeen degmada Baladxaawo, halkaa oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 12 qof oo isugu jiray shacab iyo Ciidan.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Wasiiro iyo xubno ka tirsan beesha caalamka oo gaaray magaalada Jowhar
- Dadkii Soomaalida ahaa ee lagu dilay deegaanka Hawadaay oo Aas Wadareed loo sameeyay
- PUNTLAND: Xaaji C/wali Gaas oo maanta lagu soo Dhaweeyay magaalada Bosaaso (Sawirro)
- Qarax lala eegtay Tareen dhulka hoostiisa mara magaalada London
- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubaland oo u ambabaxay gobolka Gedo
- Dumarka Tunuusiya oo loo fasaxay in ay guursan karaan ragga aan muslimka aheyn
- Ciidamada xasilinta oo howlgal balaaran ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
- Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiiya oo ka digtay qaadka Awaday ee Oromadda in la cunno
- Khayre “Bulshada Soomaaliyeed waxaa ku jira dad leh hal abuurka ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dadkooda”
- Imaaraadka oo Dhaqaale ugu deeqaya dalka Soomaaliya
- Dowladda Waqooyiga Kuuriya oo Tijaabisay Gantaalkeedii Tobanaad
- Hirshabeelle oo doorasho madaxweyne isku diyaarineysa maalinta Berri ah
- Puntland oo markii ugu horeysay Sheybaar u adeegsan doonta Kiisaska la xiriira Kufsiga








