4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2017
Imaaraadka oo Dhaqaale ugu deeqaya dalka Soomaaliya

 

Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Sanduuqa hormarinta Abu Dubai ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya uu siinayo lacag dhan AED330 Million oo u dhiganta ($89.8 million), taasi oo uu sheegay in uu uga qeyb qaadan doono hormarka ka socda Soomaaliya.

Lacagtan uu Sanduuqa hormarinta Abu Dubai ugu deeqay Soomaaliya ayaa waxa uu u jeedka ku sheegay in ay tahay in ay si gaar ah ugu taageeraan dhismayaasha, kor u qaadida dhaqaalaha, beeraha, amniga, caafimaadka, biyaha iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale Sanduuqa hormarinta Abu Dubai ayaa waxa uu sheegay in marwalba ay diyaar u yihiin in ay taageeraan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, oo hada ku jira xaalado adag, loona baahan yahay in garab la siiyo.

Masuuliyiinta Sanduuqa ayaa sheegay in mashaariic hormarineed ay horey uga fuliyeen dalal badan oo ku yaalla Afrika, kuwaasi oo ku jira xaalada koriimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]