Warbaahinta looma faahfaahin ujeedooyinka safarka Madaxweynaha, haseyeeshee mudooyinkii u danbeeyay ayaa la hadal hayay in Madaxweynuhu gaaro degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Gedo, si loo dardar geliyo hannaanka baahinta maamulka iyo qorsheyaasha dhismaha dowladaha hoose oo la filayo in dhawaan ay ka biloowdaan degmooyinka ka tirsan Jubaland.
Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Jubaland, Hannaanka dhismaha dowladaha hoose ayaa la qorsheeynayaa in lagu bilaabo Degmooyinka, Doolow, Baladxaawo, Garbahaareey, Afmadow iyo Kismaayo, ayadoo marka lagu guuleysto dhismaha maamullada degmooyinkaasi oo ay shacabku soo dooran doonaan, loo gudbi doono degmooyinka kale ee Jubaland.
Warbixin ku saabsan ujeedooyinka safarka madaxweynaha iyo sawirro haduu Eebbe ogolaado, wararkeenna danbe ayaan idinku soo gudbin doonnnaa.
Xasan Nuur, Hiiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.