3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 3 , 2017
Duqeyn lagu bartilmaameedsaday Ururka Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya

 

Jimco, November, 03, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka lagu magacaabo Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn, loo maleynayo in lala beegsaday madaxda Ururka Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumim.

Deegaankan duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.

Mas’uuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.

Ma cadda weli cadda cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, laakiin Soomaaliya iyo gobolka bariba waxaa marar horey duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen guuxa diyaarado kuwaasoo loo malaynayo in ay duqeyntan geysteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/3/2017 4:43 PM EST
Jimco, November, 03, 2017 (HOL) -Guddiga Olimbikada Somalia ayaa magaalada Prague ee dalka Czech Republic uga qayb-galay shirka sanadlaha ah ee guddiyada Olimbikada adduunka, kaasi oo ay ka soo qayb-galeen xubno matalayay wadamada caalamka.

11/3/2017 11:48 AM EST
Jimco, November, 03, 2017 (HOL) - Rabshado ayaa ka dhacay fagaaraha Bandhiga awooda doorashada KULMIYE oo ahayd maaiintii shanaad, kadib markii ay dhalinyaro gadoodsan shiid ka bilaabeen dadka isu soo baxay dhexdoodii.

11/3/2017 8:59 AM EST
Jimco, November, 03, 2017 (HOL) Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

11/3/2017 8:13 AM EST
Jimco, November, 03, 2017 (HOL) -Dekedda magaalada Bosaaso ayaa dib u shaqa bilowday ka dib muddo asbuuc ah oo ay xiranayd sababo la xiriira khilaaf soo kala dhex-galay madaxda shirkadda lagu wareejiyay dekedda iyo waliba ganacsatada gobolka.

11/3/2017 7:25 AM EST
Jimco, November, 03, 2017 (HOL) - Madaxweynah dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya wasiirada warfaafinta dowlad gobolleedyada dalka ka jira.

11/3/2017 6:19 AM EST
Jimco, November, 03, 2017 (HOL) -Magaalada Muqdisho waxaa wali ka soconaya shirka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad gobolleedyada oo dhaafay waqtigii loogu talagalay in lagu soo gabagabeeyo.

11/3/2017 5:25 AM EST
Jimco, November, 03, 2017 (HOL) – Magaalada Beledweyne ayaa hadda u muuqata mid gabi ahaanba laga waayay isticmaalka lacagta Shiling Soomaaliga, waxaana ay hadda dadku wax ku kala iibsadaan lacagta Dollar –ka, iyaga oo adeegsanaya Aalada lacagaha leysugu gudbiyo ee EVC Plus –ka

11/3/2017 2:13 AM EST
Jimco, November, 03, 2017 (HOL)-Ciwaanka uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku leeyahayTwitter-ka ayaa si kooban hawada looga saaray Khamiistii, laakiin intaas kaddib hawada ayuu dib ugu soo laabtay, sida ay sheegtay shirkada leh bartan ay bulshadu ku xiriirto.

11/3/2017 1:44 AM EST
Jimco, November, 03, 2017 (HOL)-Maamulka Puntland ayaa uga digay Soomaaliland in Sanaadiiqda codbixinta ee doorashada la geeyo deegaanno ka tirsan gobolladaSool iyo Sanaag, oo Puntland ay sheegtay in ay maamusho.

11/3/2017 1:30 AM EST
Jimco, November, 03, 2017 (HOL) -- Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa waxa ay sheegtay in sanadkan uu laba jibaarmo dhaqaalaha wadamada Afrika ee ka hooseeya saxaraha, kadib markii sanadkii hore uu kordhay 1.4%.

11/3/2017 1:23 AM EST
Jimco, November, 03, 2017 (HOL) -- Kulan looga hadlayay xaalada Amniga dalka oo uu shir guddoominayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa looga wada hadlay qorshaha difaaca dalka, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.