4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 3 , 2017
Puntland oo sheegtay in lala xisaabtamayo dadkii ka danbeeyay dibad-baxyo ka dhacay Bosaaso iyo dekadda oo dib u shaqo bilowday

Jimco, November, 03, 2017 (HOL) -Dekedda magaalada Bosaaso ayaa dib u shaqa bilowday ka dib muddo asbuuc ah oo ay xiranayd sababo la xiriira khilaaf soo kala dhex-galay madaxda shirkadda  lagu wareejiyay dekedda iyo waliba ganacsatada gobolka.

Khilaafkan ayaa salka ku hayay canshuuro la sheegay in lagu kordhiyay ganacsatada ,taasi oo markii danbe ay dowladda Puntland beenisay ,waxaana khilaafkan uu sababay dibad-baxyo rabashada wata oo ay ku dhinteen laba qof oo shacab arbacadii la soo dhaafay ee todobaadkan.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdul Qaadir Siciid Caaarshe oo kormeer ku tagay dekad-da ayaa sheegay in si KMG ah ay dakad-du u sii shaqayn doonto inta la is-waafijinayo nidaamka cusub ee hadda bilaabanaya iyo kii hore.

 “Waxaa la rabaa mudadan todobada Cisho ilaa Tobonka ah in La isku waafajiyo nidaamkii ay Horay Dekeddu ugu Shaqeyn Jirtay iyo Kan Cusub ee Hadda Shirkadu u badalayso, shaqaduna hadda wey sii soconaysaa” Ayuu yiri wasiirka oo si kooban ula hadlay warbaahinta.

Wasiirka oo ka hadlayay dibad-baxyadii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay magaalada Bosaaso ayaa sheegay in mas'uuliyad-da khasaarihii ka dhashay mudaharaadkaas ay dusha u ridaan doonaan cid-dii soo abaabushay oo uu ula jeeday qaar kamid ah ganacsatada.

” Masuuliyadda waxaa ka qaadaya intii dhibka waday, waxeyna u taala Dowladda baaritaan ayaanan wadnaa, gudiga amniga ayaa ku howlan mana Ka Hari doon-no cid-dii soo abaabushay banaanbaxaasi ” Ayuu yiri Wasiirku.

Ugu danbayn, doomo gaaraya ilaa lix ayaa xalay dajiyay badeecado kala duwan ,waxaana dowlad-du ay sheegtay in loo balan-san-yahay kulan weyn oo lagu dhamaynayo khilaafka labada dhinac ka dhex-jira.

Faysal M. Hassan
[email protected]