4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 3 , 2017
Magaalada Beledweyne oo laga waayay lacagta Shiling Soomaaliga

 

Jimco, November, 03, 2017 (HOL) – Magaalada Beledweyne ayaa hadda u muuqata mid gabi ahaanba laga waayay isticmaalka lacagta Shiling Soomaaliga, waxaana ay hadda dadku wax ku kala iibsadaan lacagta Dollar –ka, iyaga oo adeegsanaya Aalada lacagaha leysugu gudbiyo ee EVC Plus –ka

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhowrkii blood ee la soo dhaafay aysan Idhahaba saarin lacagtii Shiling Soomaaliga, kaddib markii ay ganacsatadu diideen in ay wax ku iibsadaan.

Ganacstada ayaa cabashadooda ugu badan ku saleynaya in aan la kala saari karin lacagaha been abuurka ah ee lagu soo farsameeyo qaar ka mid ah gobollada dalka iyo lacagtii hore, sidaa daraadeed go’aan ku gaareen in ay gabi ahaanba iska joojiyaan.

Laakiin saameynta ugu daran arintan waxaa ay ku yeelatay dadka danyarta ah ee aan awoodin in Dollar wax ku iibsadaan ama xitaa dhinaca kale marka la eego aan aqoon badan u laheyn isticmaalka Telleefoonka gacanta ee lacagaha lagu shubto, kuwaa oo dhibaato weyn ku qaba diidmada lacagta Shiling Soomaaliga.

Mid ka mid ah ganacsatada magaalada ayaa ka codsaday Shirkada Hormuud in la xaddido lacagaha lagu shubto Telleefoonka ee  lagu isticmaalo Aalada EVC Plus –ka, si ay ugu qasbanaadaan ganacsatadu in ay qaataan lacagta Shiling Soomaaliga.

‘’Hadda waxaad awood u leedahay in aad Koobka Shaaha ku iibsato lacag Dollar ah Adiga oo u sii maraya Aalada EVC Plus –ka, laakiin haddii la Xaddido lacagta oo laga dhigo in aan laga saari karin wax yar 100 doolar qofku wuxuu ku qasbanaanayaan in uu isticmaalo lacagta Shiling Soomaaliga ah ‘ ayuu yiri ganacsadahan oo la hadlay warbaahinta.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa marar badan oo hore u soo jeediyay ganacsatada in ay joojiyaan diidmada lacaga shiling Soomaaliga, isagoo u digay cidii diida lacagaha tallaabo laga qaadi doono.

Bulshada ayaa ka codsatay dowladda Soomaaliya in ay arrintan wax ka qabto, haddii kale dhibaato nololeyd oo weyn ku noqon karto qoysas badan oo Soomaaliyeed oo markii horebe nolashadoodu iska liidatay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]