4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 3 , 2017
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wasiirada dowlad gobolleedyada


Jimco, November, 03, 2017 (HOL) - Madaxweynah dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya wasiirada warfaafinta dowlad gobolleedyada dalka ka jira.

Madaxweynaha ayaa kulanka ku wehlinayay Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Yariisow, Agaasimayaal, Wasiirada Warfaafinta Dowlad goboleedyada, Xildhibano iyo Masuuliyiin kale, waxaana kulanka looga hadlay arrimo badan oo Warbaahinta Soomaaliyeed ku saabsan iyo doorka horumarka dalka ay ka qaataan.

Kulanka Qodobaddii lagu soo qaaday oo ugu weynaa waxaa kamid ah Muhiimadda Saxaafadda ay leedahay, doorka ay ka qaataan Wacyi gelinta Bulshada, Amniga iyo ka qeyb qaadashada Dagaal Dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in guud ahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Al-shabaab dalka ay kaga xoreyso iyo arrimo kale.

Wasiiradda Warfaafinta Dowlad goboleedyada, ayaa Magaaladda Muqdisho uga qeyb galay Shirweyne Wadatashi ahaa oo u dhaxeeyey Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobolleedyada iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxaana shirkaasi ay uga hadleyn sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha warbaahinta dalka iyo sidii wasaaradda warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo warbaahinta gaarka ah ee dalka ay u midayn lahaayeen macluumaadka iyo addeegyada loo qabanayo bulshada iyo in ay noqdaan kuwo wax ku ool ah, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay Magaaladda Muqdisho ka socday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]