4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 3 , 2017
Ciwaanka Twitter –ka madaxweyne Turmp oo si kooban hawada looga saaray

 

Jimco, November, 03, 2017 (HOL) - Ciwaanka uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku leeyahayTwitter-ka ayaa si kooban hawada looga saaray Khamiistii, laakiin intaas ka dib hawada ayuu dib ugu soo laabtay, sida ay sheegtay shirkada leh bartan ay bulshadu ku xiriirto.

Shirkaddu waxay sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump hawada looga saarat si aan ula kac ahayn, ayna ahayd khalad banii'aadan oo ka dhacay qof u shaqeeya Twitter-ka.

Ciwaanka madaxweynaha ayaa hawada ka maqnaa11 daqiiqo, Twitter-ka ayaana hadda baaritaan wada.

Trumo ayaa aad u isticmaala Twitter-ka waxaana wararkiisa ku xiran 41.7 milyan, walina kama hadlin arrintan.

Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista wakhti kooban waxay arki kareen fariin oranaysa "ciwaankaas ma jiro!".

Ciwaanka markii uu dib u shaqeeyay Trump wuxuu markii u horaysay soo dhigay qorshaha xisbiga jamhuurigu uu ku doonayo in uu ku dhimo canshuurta.

Ciwaanka @POTUS, oo ah midka rasmiga ah ee madaxweynaha Maraykanka ayaa isugu sidiisii u shaqaynayay.

Trump wuxuu Twitterka ku soo biiray bishii Maarso ee 2009kii.

Intaa wixii ka dambeeyayna si joogto ah ayuu u isticmaali jiray si uu ugu faafiyo afkaarihiisa, sidoo kale wuxuu ku weerarayay dadka ka soo horjeeday intii ay socotay ol'olihii doorashada ee 2016kii iyo intii uu xilka la wareegay bishii Janaayo.

BBC