4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 3 , 2017
Dowladda federaalka iyo maamulka gobolleedyada oo isku raacay in wada jir loola dagaalamo Al-shabaab

 

Jimco, November, 03, 2017 (HOL) -- Kulan looga hadlayay xaalada Amniga dalka oo uu shir guddoominayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa looga wada hadlay qorshaha difaaca dalka, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Yariisoow oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii labaad ee golaha amaanka Qaranka ee madaxweynaha uu shir guddoomiyo, isagoo xusay in la isku raacay in dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay si wadajir ah ula dagaalamaan Al-shabaab.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in shirka golaha Amniga Qaranka lagu ansixiyey qorshaha difaaca Qaranka oo wasaaradda gaashaandhigga XFS ay soo diyaarisay, sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in lagu ansixiyey shirkaasi guddiga isku dhafka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ka kooban xubo ka kala yimid dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa wali ka soconaya magaalada Muqdisho shirka u dhaxeeya dowladda federaaalka iyo madaxda dowlad gobolleedyada oo ilaa iyo hadda aan laga soo saarin War-murtiyeed leysku raacsan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]