4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 3 , 2017
Wararkii ugu danbeeyay shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada

 

Jimco, November, 03, 2017 (HOL) -Magaalada Muqdisho waxaa wali ka soconaya shirka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad gobolleedyada oo dhaafay waqtigii loogu talagalay in lagu soo gabagabeeyo.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah oo ku soo beegmay xili khilaaf siyaasadeed adag uu ka dhax jiro  dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka ka dhisan, ayaa u muuqda in aan wali is afgarad buuxa laga gaari qodobada qaar.

Inkastoo ay adag tahay in la wada helo dhamaan xogta ku saabsan shirka, haddana dhinaca kale marka la eego warar hoose oo soo baxaya waxaa ay sheegayaan in leysku mari la’yahay go’aan ka gaarista siyaasada arrimaha dibeda, wadaag kheyraad iyo dib u-eegista dastuurka.

Ilaa iyo hadda qodobada leysku afgartay ayaa lagu sheegay Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Shirkan dhinaca kale waxaa bar bar socda tabasho ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya oo ka imaneysa qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ka qeybgallaya shirka oo ku eedeynaya xukuumadda in ay faragalin ba’an ku heyso maamulada ay ka arrimiyaan.

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa wajahaya cadaadis ba’an oo uga imanaya xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed oo la sheegay in ay saxiixeen mooshin xilka looga qaadayo. Halka madaxweyne Xaaf oo ka mid ah madaxweynayaasha shirka ka qeybgallaya horay u sheegeen xildhibaannada Galmudug in ay xilkii ka qaadeen, kaddib khilaaf ba’an oo soo kala dhaxgalay isaga iyo qaar ka mid mas’uuliyiinta maamulka oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Sidoo kale qodobada aan wali leysku waafaqin ee shirka hor yaala waxaa ka mid ah dalab ay soo jeediyeen qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada oo codsaday in marka hore loo soo gacan galiyo hindsi sharciyeedyada ka soo gudba dhinaca gollaha wasiirada ka hor inta aan la horgeyn baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa horay uga dalbaday xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya in aysan ku deg degin meel marinta hindise sharciyeedyo aan leysku waafaqsaneyn.

Lama oga xiliga ugu danbeeya ee uu soo dhamaanayo shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada oo qaatay waqti ka badan mudadii uu qorshuhu ahaan in lagu soo gabagabeeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]