Ciidamo Itoobiyaan ah oo dad shacab ah ku xasuuqay Deegaanka Wardiinle ee Gobolka Bay (Sawirro)

Talaado, 19 July 2016(HOL)-Ciidamo Itoobiyaan ayaa deegaanka Wardiinle oo 13 KM u jirta Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay waxa ay ku dileen dad shacab ah oo culumaa’udiin u badnaa, kuwaasi oo deegaankaas iyo gobolkaba si weyn looga yaqiinay.


Shacabka la xasuuqay ayaa xilliga la dilayay waxay qur’aan ku aqrinayeen qof xanuunsan oo isagana ka mid noqday dhibanayaasha la dilay, waxayna saacaddu ahayd abbaara 5tii iyo barkii galabnimo.

Wararka ayaa sheegaya in inta aysan ciidamada Itoobiyaanka ah xasuuqin dadka shacabka ah uu jiray dagaal khasaare geystay oo dhexmaray Ciidmada Itoobiya iyo Al-shabaab, kaddibna ciidamada Itoobiyaanka loo sheegay in Culumaa’udiinka iyo dadkii la joogay ay yihiin Al-shabaab raashin karsanaya.

Falka xasuuqa ah ayaa dhacay kaddib markii sida wararku sheegayaan ay xabbad ka fakatay gabar askariyad oo la socotay ciidamada Itoobiya, kaddibna ay ciidamada billaabeen xasuuqa arxan-darrada ah ee aan kala sooca lahayn, iyadoo rasaastii gabadha ka fakatay uu ku dhintay askari kale oo Itoobiyaan ah. Intaas kaddib ciidamada Itoobiyaanka ayaa hub wixii ay wateen waxay ku fureen Tuulada, waxaana halkaas ka dhashay khasaaro dhimasho ah oo gaaraya 15 ruux oo isugu jira Culumaa’udiin iyo Oday dhaqameedyo, halka 3 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

Markii falkaas waxashnimada ah ee ay geysteen ciidamada Itoobiya uu ka dhacay deegaanka Wardiinle ayaa waxaa deegaankaas gaaray Xildhibaan Ibraahim Yarow oo deegaankaas kasoo jeeda, waxaase la yaab lahayd in xildhibaanka uu ka been sheegay dhacdada, uuna ku tilmaamay mid ka dhalatay dagaal tuulada ka dhacay, kaddibna ay dadka sidaas u geeriyoodeen, isagoo weliba ka been sheegay tirada dhimashada.

Haddaba wafdi ka socda maamulka Koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo deegaanka dhibaatada ka dhacday tegay ayaa tallaabada kaliya ee ay qaadaan waxay noqotay in ay dhahaan waxaan u saareynaa arrinta dhacday guddi soo baara,  guddigaas oo aan illaa iyo haatan aan soo saarin warbixin muujineysa in Ciidamada Itoobiya ay  si ula kac ah u laayeen dad shacab ah. Sidoo kalena, Dowladda Soomaaliya, oo dalka oo dhan dowlad u ah ayaanan iyadana ka hadlin dadka shacabka ah ee lagu laayay deegaanka Wardiinle ee Gobolka Bay.

Xafiiska Warqabadka Hiiraan Online