CAYAARAHA: Puntland & Banaadir oo isku Mari waayay Cayaar Dhex-martay Maanta (SAWIRRO)


Talaado, July 19, 2016 (HOL) — Iyadoo Maalintii 5-aad uu galay tartanka Kubadda cagta ee Maamul-goboleedyada Dalka, ayaa waxay maanta cayaar adag ku dhexmartay Garoonka Banaadir ee Muqdisho Kooxaha Banaadir iyo Puntland, taasoo ku dhamaatay bar-barro.

Cayaartan oo ahayd mid xiiso badan, ayaa Waxaa Garoonka soo buuxiyay Shacab aad u fara badan iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada Dalka ka jira.

Xiddigaha Banaadir iyo Puntland, ayaa soo bandhigay Cayaar wanaagsan oo ay jecelaysteen Shacabkii u soo daawasho tagay, Waxaana qaybtii hore ee cayaarta hal gool ku hoggaaminaysay Puntaland.

Markii Qaybtii labaad la isugu soo laabtay ayay cayaartoyda metelayay Banaadir, waxay la yimaadeen gool, kaasoo cayaarta ka dhigtay bar-barro 1-1, iyadoo golka ay Banaadir dhalisay uu u noqday goolkii Rajada.

Puntland ayaa mar kale la wareegtay hoggaanka cayaarta, iyadoo timid Goolkeedii labaad, inkastoo ay xulka Banaadir daqiiqado kaddib iyaguna la yimaadeen goolkoodii 2-aad oo ay cayaarta mar kale Bar-barro uga dhigeen, waxayna cayaartu ku dammaatay bar-barro 2-2 ah.

Ugu dambeyn, Labada kooxood ee Puntland iyo Banaadir, ayaa kasoo baxay Guruubkooda, maadaama ay hartay kooxdii ku cayaaraysay magaca Maamulka Koofur-galbeed, iyadoo Berri oo Arbaco ahna ay is-arki doonaan Kooxaha kala Metelaya Gobollada - Shabeellada Dhexe, Hiiraan iyo Galmudug.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya