
Talaado, Luuliyo 19, 2016 (HOL)-Unicef, waa hayada QM u qaabilsan arimaha carruurta ayaa ku digtay in weli shaqo badan ay ka dhiman tahay sidii wax looga qaban lahaa cudurka HIV/AIDS.
Si kastaba ha ahaatee UNICEF waxay sheegtay in wax badan ayadoo laga qabtay cudurka ay weli harsan yihiin dadaalo dheeraad ah gaar ahaan si looga badbaadiyo carruurta iyo dhallinyarada. Lagasoo bilaabo sanadkii 2000 waxaa aad wax looga qabtay sidii loo yareyn lahaa kagudbida dulinku ka gudbo hooyooyinka ee uu u gudbo carruurta.
Si kastaba ha ahaatee, HIV/AIDS gobolka uu ugu badan yahay waa qaarada Afrika inta saxaraha ka hooseysa.
Inkastoo uu soo shaac baxay sanadihii sideetameeyadii cudurkaa wax daawo ah looma helin iyo tallaal midna walow la sameeyay daraasado iyo dadaalo badan oo kusaabsan sidii xalal loogu heli lahaa.
Si kastaba ha ahaatee, UNICEF waxay sheegtay in carruurta qaangaarka ah ama soo baalugaya (13-18 sano jirku) ay aad ugu le'anayaan cudurka loo caal waayay ee HIV/AIDS, weliba si tarab tarab ah.
“Aids weli waa cudurka labaad ee dilaaga ah ee ay u dhintaan dhallinta jidha 10-19 sano caalamka oo dhan – kowna asaga ayaa ka ah cudurada dhallinta intaa da'deedu tahay dila qaarada Afrika,” sidaa waxaa yiri Anthony Lake oo ah Agaasimaha Fulinta ee UNICEF.
Gabdhaha ayaa la ogaaday inay uga nugul yihiin wiilasha qaaditaanka dullinka HIV caalamka oo idil.
Cudurkaa oo cabsi weyn dhaliyay caalamka oo idil tan iyo markii uu soo shaacbaxay ayaa waxaa qiyaastii ilaa iminka dadka qaba ay gaarayaan 36 milyan dadkaas oo badankoodu ku nool yihiin qaarada Afrika gaar ahaan qeybteeda ka hooseysa saxaraha.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]