WASIIR SACAD: Hay'ada Nile Academy Haddii aysan Shaciyadeenna Jabin Ma Cayrin Doonno


Talaado, July 19, 2016 (HOL) — Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in aanay wadanka ka saari doonin Hay’adda Nile Academy oo dugsi waxbarasho ku leh magaaladda Hargeysa, Hay’addaasi oo xukuumadda Turkiga ku eedeysay inay lug ku lahayd Inqilaabkii fashilmay ee maalmo ka hor ka dhacay wadankaasi.

Hay’adda Nile Academy oo laamo ku kala leh Muqdisho iyo Hargeysa, ayaa qaybteedii Muqdisho dawlada Soomaaliya ku amartay  in muddo toddoba cisho ah dalka kaga baxaan, maadaama oo uu madaxweynaha Turkiga dalbaday in haya’daasi Soomaaliya laga saaro, waxaana hay’adaasi iska leh wadaadka sida weyn isku hayaan madaxweynaha Turkiga ee magaciisa la yidhaa Sheekh Fetxullah Gulen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Somaliland Dr: Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in hay’adaasi Nile Academy aanay dalka dhibaato ka galin, isla markaana sabab dalka looga eryaa aanay jirin, haddii ay dambi ka gashana maxkamadaha dalku go’aanka soo saari lahaayeen joogitaanka wadanka.

“Innagu waxaynu nahay wadan sharci leh,cidii sharciga jabisana waxa la marinayaa waxuu sharcigu ku yidhaahdo. Umadd sharci ku dhaqanta ayaynu nahay cidna dhibaatayn mayno ilaa ay sharcigeena jabiyaan, hadii ay jabiyaana maxkamada ayaa go’aamin doonta waxii laga yeeli lahaa. Nile Academy hadii aanay sharcigeena jabin oo aanay dambi inaga galin kama eryi karno wadankeena. Kumana tacadiyi karno, inaga Somaliland baa inala yidhaahdaa ee somaliya la inama yidhaahdo, soomaliyana teeda aya khuseysa ee teenu ma khusayso”ayuu yidhi wasiir Sacad oo warbaahinta la hadlay.

Hay’adan Nile ayaa dugsi waxbarasho ku leh magaaladda Hargeysa, isla markaana waa hay’ad laga leeyahay Turkiga, iyadoo qaybteeddii Muqdisho ku taallay ay dawladda Soomaaliya ka mamnuucday wadankeedda.

Sidoo kale, wasiirka Sacad ayaa cambaareeyey inqilaabkii ka dhacay Turkiga, isla markaana sheegay inuu ahaa mid foolxumo ah oo dumiqraadiyadda ka hor imanaysa in madaxweyne la doortayy la isku dayo in la afgambiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland