Talaado, July 19, 2016 (HOL) — Wasiirka Khayraadka Biyaha ee Somaliland, Baashe Cali Jaamac oo ka hadlay kulanka lagu Nabadeynayo beelo ay Colaado dhex-mareen ayaa ku dheeraaday Heerarkii uu soo maray shirkan, wuxuuna sheegay inuu yahay gogol uu dhigay Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo oo beelahaani ay ka aqbaleen codsi uu u soo jeediyay.
"Waxaa halkaan isugu yimid 22 Caaqil oo ka mid ah Beelaha dega Deegaano ballaaran ee Gobollada Sool, Sanaag iyo Xaysimo, Waxayna diyaar u yihiin inay Maanta Wax la dhigtaan Somaliland," ayuu yiri Wasiir Baashe.
Sidoo kale, Wasiirrada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Warfaafinta Cismaan Cabdullaahi Saxardiid [Caddaani] oo Halkaas ka hadlay, ayaa waxay Sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay Jawaabta ugu haboon ka celiyaan wax kasta oo shuruud ah oo kaga yimaada deegaankan.
Wasiirradaan, ayaa waxay si is-waafaqsan u sheegeen in ay diyaar u yihiin wax-qaybsi ay la yeeshaan beelaha haatan ay wadahadallada la furayaan.
"Anigu Deegaan baan ahay, Waxaan ku dhashay Deegaankaan, Aabbahayna Wuxuu ku Aasan yahay xabaalaha Awr-boogeys, sidaas darteed waxaan halkan u imi inaan idin la qaybsado wixii wanaag ah," ayuu yiri Wasiir Caddaani.
Dhanka kale, Wasiirka Madaxtooyada ayaa wuxuu ka Warbixiyay sida ay diyaarka ugu yihiin sidii wax-qaybsi ay ula yeelan lahaayeen beelaha deegaanadan oo uu ku tilmaamay dhul aad u balaadhan Miisaankeedana leh.
"Anaga dhulka ayay naga taalaa taladu, idin-kana waxaan idinka rajeynaynaa inaad nala garataan Wanaagga aan wadno," ayuu yidhi Wasiir Caddami, isagoo Hadalkiisa ku daray inaanay marna ku kala tageyn kulankan nabadeed.
Wadahadalladaan, ayaa kusoo beegmay xilli qaybo ka mid ah Deegaanadaan ay ka socdaan Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somalialnd oo ah midda inta badan dagaallo ka dhici jireen waqtiyadii lasoo dhaafay.
Ugu dabmeyn, Lama saadaalin karo waxa kasoo bixi doona iyo qodobbadaan la hor-dhigi doono Wasiirradaan, balse Dadka siyaada oddorosaa waxay leeyihiin waa mid macquul ah in wax kasta ay maamulku dusha u ridato maadaama xili doorasho lagu jiro.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool







