Talaado, July 19, 2016 (HOL) — Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota, gaar ahaan Magaalada St Paul ayaa shalay si rasmi ah ula soo wareegay dhismaha Masaajidka As-sunnah - Dadka qaarna ay u yaqaanaan Mknight, kaasoo ay kiro ugu jireen muddo 12-sano ah, waxaana ku tukan jireen Shanta Salaadood, kuna dhigan jiray Qur’aan Kariima; iyadoo ay Arday badan ku dhameeyeen barashada Qur’aanka Kariimka, waxaana dhismihiisa ku baxday lacag dhan 875.000 oo Doollar.
Sheekh C/llaahi Abu Fadli oo ah Imaamka Masaajidka, ayaan la kulmay markii uu dhacay saxiixa ay kula wareegeen dhismaha, Wuxuuna HOL u sheegay. “Waxaanu maanta bixinay lacagtii hormarinta ahayd, Waxayna ahayd Xiritaanka Heshiiska; Horay ayaan u dhignay $60,000, Maantana Waxaan bixinnay $140,000, Lix bilood kaddibna waxaan bixinaynaa $50,000. Lacagta hartay oo ah $625,000, waxaan ku bixin doonnaa muddo 10-sannadood ah Haddii Alle yiraahdo, bil walbana waxaan bixin doonnaa $5200.” Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Jimciyadda Islaamiga ah ee Waqooyiga Ameerica, Sheekh Xasan Jaamac Dhooye oo loo yaqaan [AINA], Xubinna ka yahay Masaajidka As-sunna oo isagana la hadlay HOL ayaa sheegay inay qayb ka ahaayeen dadaaladii ay ku doonayeen inay iibsashadaan masjidkan, isagoo xusay inuu maanta ku faraxsan yahay guushaan, isagoo sidoo kalena ugu hambalyeeyay Muslimiinta degen St Paul, Minnesota.
“Waa Guul wayn oo Muslimiinta u soo Hoyatay ILLAAHAY, Waxaan uga baryeynaa Walaalihii ka qayb-qaatay Dhamaystirka Mashruucan inuu u barakeeyo maalkooda iyo cimrigooda, uuna Jannada ka waraabiyo ehelkooda iyo ubadkoodana,” ayuu ku koobay hadalkiisa Sheekh Xasan Dhooye.
Qareenka Masjidka ,Xubnaha Jaaliyadda,iyo waliba Culumadda magaalada qaar ka mida yaa shalay ka soo qaybgalay kulankaan ay kula wareegayeen furaha dhismaha waxayna dhamaantood jeediyeen khudbado ay ku cabireen dareenkooda.
Ugu danbayntii Masjid as Sunna waxuu noqonayaa Xaruntii 4aad oo ay la soo wareegaan Soomaalida Dagan St Paul oo ay ka dhigayaan dhismo masjid waxaa hore loo iibiyey Xarumaha Mas.Dacwa, Mas. Al Ixsaan, Mas.Darul Culuum
Siyad Said Salah, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA
Sawirrada: Ismail Muse Isma





