Taliyaha Cusub ee AMISOM, Janaraal Subagle oo Si Rasmi ah Xilka u Qabtay

Talaado, Luuliyo 19, 2016 (HOL)-Taliyaha cusub ee ciidamada midowga Afrika ee AMISOM Sareeye Gaas Cusmaan Nuur Subagle ayaa si rasmi ah u qabtay xilkaa.

Sareeye Gaas Subagle ayaa baddalay Sareeye Gaas Jonathan Rono. Sareeye Gaas Subagle ayaa shalay yimid Muqdisho si uu xilkaa si toos ah ula wareego.

Taliyaha AMISOM ee cusub, Sareeye Gaas Subagle ayaa la kulmay shalay durba wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo danjiraha AMISOM Francisco Caetano Madeira kuwaasoo xusay in imaanshihiisu kusoo beegmay xilli xasaasi u ah hawlgalka.

Sareeye Gaas Subagle wuxuu khibrad hore u lahaa hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya maadaama uu horay usoo qabtay xilka Difaaca AMISOM intii u dhexeysay 2012 iyo 2013.

Sareeye Gaas Subagle ayaa ah muwaadin u dhashay dalka Jabuuti.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]