Madaxweyne Erdogan: Waxaan Diyaar u Nahay Inaan Soo Celino Ciqaabta Dilka



Talaado, Luuliyo 19, 2016 (HOL)-Kadib afgambigii dhicisoobay ee la isku dayay maalmo ka hor dalka Turkiga, madaxweynaha dalkaa Raccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dimoqraadiyadu u baahan tahay in ciqaabtaa lasoo cesho.

Wuxuu Erdogan intaa ku daray in ciqaabtaa durba lasoo celin doono hadii shacabku doono baarlamaankuna uu ansixiyo.

Asagoo meel fagaare ah ka hadlaayay xalay ayaa wuxuu sheegay Erdogan in dalka Turkigu yahay dal dimoqraadi ah oo xukunka sharcigu uu ka shaqeeyo. Baarlamaanka dalkaa ayaa xubnihiisu kulmayaan beri si ay arinkaa uga doodaan.

Sanadkii 2004, ayaa dalkaa ciqaabta dilka laga mamnuucay kadib markii la sameeyay isbaddalo si loogu ogolaado inuu kubiiro Midowga Yurub.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]