Talaado, Luuliyo 19, 2016 (HOL)-Kadib dagaalkii dhex maray xulufada Sacuudiga iyo fallaagada Yemen ee Xuutiyiinta qaxooti badan oo reer Yemen ah ayaa usoo cararay dalka Soomaaliya iyo jamhuuriyada goonida isu taagtay ee Somaliland.
Qaxooti badan oo Soomaaliyeed oo kasoo laabtay Yemen dirirtaa awgeed ayay qaxootigaa Yemeniyiinta ahi la yimaadeen gaar ahaan Bossaso iyo Berbera. In badan ayaa usoo gudbay Xamar iyo Hargeysa.
Haatan ayaa qaxooti badan oo Yemeniyiin ahi waxay kusugan yihiin magaalooyin badan oo Somaliland ka tirsan. Ilaa 10 kun oo Yemeniyiin ah ayaa ka qaxay dagaalka ka bilowday Yemen kuwaasoo yimid Somaliland.
Laga soo bilaabo bishiir Maarso ee sanadkaan ayaa Yemeniyiintu imaanayeen Somaliland.
Guud ahaan waxaa ku barakacay colaada Yemen ku dhawaad 200, 000 oo qof oo isugu jiray Yemeniyiin iyo ajaaniib dalkaa kunoolaa sida Soomaali qaxooti ku ahaa Yemen.
Dadkaa soo qaxay ayaa haatan ku suga qeybo kala duwan oo ah gobolka Geeska Afrika.
Yemen iyo Soomaaliya ayaa waxay wadaagaan dhaqan iyo xiriir ganacsi. Somaliland Yemeniyiintu waxay u imaan jireen hadana u yimaadaan ganacsi oo arimihii ganacsiga wali waa socdaan.
Haatan ayaa qaar ka tirsan qaxootiga Yemeniyiinta ahi waxay dhexgaleen dadka Somaliland oo durba qaar ayaa ganacsiyo ka furtay caasimada Hargeysa.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Nolosha Qaxootiga Yemeniyiinta ah oo Kunool Somaliland (MASAWIRO)
More News
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo dad shacab ah ku xasuuqay Deegaanka Wardiinle ee Gobolka Bay (Sawirro)
- CAYAARAHA: Puntland & Banaadir oo isku Mari waayay Cayaar Dhex-martay Maanta (SAWIRRO)
- Xaaska Donald Trump oo isticmaashay khudbaddii Micheal Obama ee 2008 -VIDEO
- WASIIR SACAD: Hay'ada Nile Academy Haddii aysan Shaciyadeenna Jabin Ma Cayrin Doonno
- SAWIRRO: Soomaalida Magaalada St Paul - MN oo iibsaday Masaajidka As-sunna (DAAWO)
- HARGEYSA: Qiimaha Raashinka Dalka oo Kor u kacay iyo Isticmaalkiisa soo kordhay (SAWIRRO)
- Wadahadal Awr-boogay uga furmay Beelo Wada-dega Gobollada Sool iyo Sanaag (SAWIRRO)
- Max'ed Cabdi Kaliil oo loo Magacaabay Wasiir-u-dowlaha Amaanka Maamulka Jubbaland
- XISBIGA Jamhuuriga ee Mareykanka oo Trump u Magacaabay Murashaxa Xisbiga ee Doorashada
- UNICEF: Carruurta iyo Dhallinyarada oo Aad Uqaaday HIV/AIDS
- Taliyaha Cusub ee AMISOM, Janaraal Subagle oo Si Rasmi ah Xilka u Qabtay
- Ciidamada Itoobiya oo Dad Shacab ah ku Laayay Deegaanka Awdiinle oo ka tirsan Gobolka Bay
- AMISOM oo Laga Soo Saari Doono Soomaaliya Sanadka 2018
- SAWIRRO: Cayaar Adag oo Banaadir Stadium ku Dhex-martay Kooxaha Jubbaland iyo Galmudug
- Xaasaska Madaxweyneyaasha Dalalka Afrika oo Wacad Kumaray inay Waxka Qaban Doonaan AIDS-ka
- Madaxweyne Erdogan: Waxaan Diyaar u Nahay Inaan Soo Celino Ciqaabta Dilka





