Jimco, Abriil 01, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhiirri-geliyay Shacabka Soomaaliyeed in ay iskood wax u qabsadaan, Waddankoodana dib u dhis ku sameystaan.
Xasan Sheekh ayaa hadalkaan ka jeediyay xarunta gobolka Banaadir ee Muqdisho, halkaas oo si rasmi ah loogu daah-furay mashruuc la magac baxay 'Dalkaaga ku dhiso hal doollar'.
“Waxaan ku bogaadinayaa maamulka gobolka Banaadir mashruucan cusub ee uu bilaabay, kaasoo salka ku haya dib u dhiska dalka. Doorka ugu weyn ee dib u dhiska dalka waxaa leh Soomaalida. Marka nala arko inaan wax Qabsanayno ayuu Caalamku gacan na-siin karaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka codsaday maamullada kale ee dalka in ay ku daydaan mashruucaan - oo Deegaannadooda ay ka hir-geliyaan, si loogu guuleysto hadafka aanu ku doonayno inaan dalka dib ugu dhisno, ugana shaqeynno soo kabashadiisa.
Madaxweynaha Somalia ayaa dhanka kale fariin u diray Soomaalida dibadaha ku nool inay xoogga saaraan dib u dhiska waddankooda.
Xasan Sheekh ayaa soo hadal-qaaday arrimaha amniga, wuxuuna sheegay in Al-shabaab ay isku dayayaan in ay dib u celiyaan Soomaaliya, laakiin taas ma dhici doonto, Waayo dadka Soomaaliyeed wuxuu doonayaa horumar iyo nabad.
“Somalia way socotay... dibna uma soo laabanayso. Falalka argagixisadu geysanaysana ma aha kuwo marna naga leexin kara wadada aan dooranay ee nabada & horumarka. Kooxaha argagixisada waxay weli faraha kula jiraan falal gurracan oo Shacabka iyo martida noo soo gurmatay ay ku ku waxyeeleynayaan. Masjidku yaala Baladweyne ayay u geysteen weerar, sidoo kalena qarax ayay ka geysteen Gaalkacyo, dad isugu jira Somali iyo Ajaanib - Dadka Soomaalida caawinayay ayay Muqdisho ku laayeen,’’ ayuu mar kale yiri Madaxweynaha.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaska, ehelada iyo dalalka ay kasoo jeedaan dadkii ku dhintey, amaba ku dhaawacmay weerarradaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo bahalnimo ah.
Ugu dambeyn, Wuxuu xasan Sheekh sheegay in Sannadkaan 2016-ka, ay Somalia ka dhici doonaan doorashooyin, isla markaana Xukuumada cusub ee lasoo dhisayo hawsha sugaysa waxaa ugu muhiimsan inay waddanka u diyaariso doorashooyin qof iyo cod ah oo Somalia ka dhaca sannadka 2020-ka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)