Jimco, Abriil 01, 2016 (HOL) — Kulankan ayaa waxaa isugu yimid mas'uuliyiin ay ka mid ahayd Wasiirada Horumarinta Ganacsiyada yar-yar ee dalka Koonfur Afrika Lindiwe Zulu, Urrurada ganacsiyada yar-yar ee Koonfur Afrikaan ah iyo ururka horumarinta Ganacsiyada tuulooyinka dalka Koonfur Afrika oo ay ku midoobeen ganacsatada ajaanibta ah oo ay ugu horreyso Soomaalida, ayaa lagu kala saxiixday kaasoo salka ku haya sidii wada-shaqeyn ay u yeelan lahaayeen labada dhinac ee Koonfur Afrikaanka iyo Ajaanibta dalkaas ku sugan.
Wasiirada horumarinta ganacsiyada yar-yar ee waddanka Koonfur Afrika, Lindiwe Zulu oo furtay kulanka heshiiskan lagu saxiixay ayaa sheegtay in loo baahan yahay in midnimo iyo wada-shaqeyn dhab ah ay yeesheen qeybaha heshiiskan saxiixday.
Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa hadallo ka jeediyay Mas'uuliyiitii kala Matalayay ururrada iyo jaaliyadaha kala saxiixday Heshiiskan ganacsi, Waxayna dhammaantood sheegeen wax kasta oo horay u qaldamay in ay ahaayeen iska war-qab la'aan iyo kala shaki aan meelna ku saleysnayn, laakiinse waqtigaan loo baahan yahay in la furo bog cusub oo nadiif ah, laguna xisaabtamo, wixii khalad ahna lagu saxo, iyadoo lala kaashanayo dowlada Koonfur Afrika.
Warbaahinta, ayaa wax ka weydiisay Suldaan Ibraahim Qaxwo oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Johnnesburg aragtidiisa heshiiskan; ayaa sheegay ka Soomaali ahaan inuu wax badan u tarayo - Haddii sida uu yahay loo fuliyo, Wuxuuna intaas ku daray in Soomaalidu yihiin kuwa ugu magaca-dheer ganacsatada ajnabiga ee tuulooyinka fog-fog ee Koonfur Afrika ku leh ganacsiyada.
C/risaaq Cali Cusmaan (Macaan Jecel) oo isna ka mid ah mas'uuliyiintii ka hadlay kulanka kuna hadlayay magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo isna warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay kulanka, isagoo sheegay in haddii hehiiskan ganacsi ay dhaqan-galiyaan labada dhinac ee kala saxiixday - uu ka hor-tagi doono boobka iyo dhaca joogtada ah ee dukaamada Soomaalida iyo Ajnabi-nacaybka muwaadiniinta Koonfur Afrikaanka ah.
Ugu dambeyn, Heshiiskan oo ahaa saddex geesood, kana koobnaa toban bog ayaa waxaa si wadajir u saxiixay Wasiirada horumarinta ganacsiyada yar-yar ee Koonfur Afrika, Lindiwe Zulu, Ururka Ganacsiyada yar-yar ee dalka Koonfur Afrikaanka ah iyo ururka Horumarinta ganacsiyada tuulooyinka Koonfur Afrika oo ay ku midoobeen ganacsatada Ajaanibta ah oo ay Soomalida ugu horreyso.
Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail: [email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)