SAWIRRO: Tartan Orod oo Caalami ah oo markii ugu Horreysay lagu Qabtay Magaalada Jabuuti


Jimco, Abriil 01, 2016 (HOL) — Tartankaan Oroddo oo Caalami ah oo ay ka Qayb-galeen orod-yahanno ka socday dalal badan oo ka tirsan Qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub ayaa shalay ka dhacay garoonka Guuleed ee xarunta dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cali Xumud, Ra'iisl Wasaaraha Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed, wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha, Baduul Xasan Baduul iyo shacab badan ayaa goob-joog ka ahaa tartankaan.

Sidoo kale, Tartankan Caalamiga ah, ayaa waxaa ka Qayb-galay ordod-yahnno Caan ah oo ay ka mid yahiin; Cabdi Bile Cabdi Jaamac [Karaaciin] oo ah Tababare Caalami ah, iyagoo ay dhanka kalena ka Qayb qaadanayeen Tartankaan orod-yahanno kala duwan can ah.

Oradkan oo ahaa - Oroddada 400, 1,500 iyo 5000 ee Mitir ayay ciyaar-hayannada oradkaan ka qayb-qaadanayay ku tartamayeen. Waxaana cayaar-yahannadu kala galeen kaalimo kala duwan.

Kaalimaha koowaad ee orodka - 400-miter ayaa waxaa ku guuleystay orodyahan ka socdey Dalka Suudaan, 1500-mitir waxaa ku guuleystay orord reer Jabuuti ah, halka 5000-Mitir uu ku guuleystay cayaaryahan Jabuutiyaan ah.

Dhanka kale, Musharaxa Xilka madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u hambalyeeyay oradyahannadii kaalimaha hore ka galay Tartankaan oo ah mid caalami ah oo cayaar-yahanno badan ay ka qayb-galayeen.

Ugu dambeyntii, Waa markii ugu horreysay oo dalka jabuuti uu marti-galiyo orod Caalami ah oo ay ka Qayb-galaan orod-yahanno Caalamka ka socdo, Waxaana tar-tankaan uu kusoo beegmayaa xili Jabuuti ay ka socdaan ololaha Doorashada Madaxtinimada Jabuuti ee dhici doonta 08-da Abriil ee Ssannadkan 2016-ka.

C/qaadir Muuse Maxamuud
[email protected]
Magaalada Jabuuti, DJbouti