Shirkii Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu soo Gunaanaday Kismaayo [WAR-MURTIYEED]


Jimco, Abriil 01, 2016 (HOL) —
Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, Waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday shirar ay lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed, kaasoo ay uga tashanayeen aayahooda & Siday ku yeelan lahaayeen Dallad ay ku Mideysan yihiin, isla markaana ay ku heli lahaayeen dowrka ay ku leeyihiin siyaasadda dalka.

Wakiillo Matalayay Ururrada dhallinyarada ee 18-ka gobol ee dalka ayaa kasoo qaybgalay shirweynaha, iyadoo intii uu socday ay dhallinyaradu is dhaafsadeen Afkaartooda ku aadan sidii dhalintu kaalin uga qaadan lahaayeen siyaasadda iyo horumarka dalka.

Shirkaan oo soo billowday 28-ka bishan Maarso ayaa lasoo gaba-gabeeyay maanta, iyadoo dhalinyaradu ay kasoo saareen war murtiyeed ka koobnaa 18-qodob.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliya, Faadumo Cabdi Warsame oo ka hadashay xafladdii xiritaanka shirka ayaa sheegtay in qodobada ay soo saareen dhallinyartu ay yihiin kuwo sare u qaadi kara Doorarkooda ku aaddan ka Qayb-qaadashada, horumarka, siyaasadda dalka iyo arimaha bulshada.

HADDABA; Akhriso War-murtiyeedkii laga soo saaray Shirweynahan;



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya