
Jimco, Abriil 01, 2016 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Waddanka Uganda ayaa taageertay dib u doorashada Madaxweynaha dalkaas, Yoweri Museveni oo dib loogu doortay Xilkaas, kaddib doorashadii madaxnimo ee ka dhacay Uganda 18-kii Febraayo, 2016-ka.
Maxkamadda, ayaa ku gacan-sayrtay codsi kaga yimid Ra’iisul wasaarihii hore ee Uganda, Amama Mbabazi, isla markaana ka mid ahaa Murashaxiintii ka qayb-galay doorashadii ka dhacday dalka Uganda.
Guddiga doorashada dalka Uganda, ayaa 20-kii Febraayo ku dhawaaqay inuu Museveni ku guuleystay 60% codadkii Doorashada, Halka Kizza Besigye oo kaalinta labaad galay uu ka helay 30.5%, iyadoo Amama Mbabazi uu aad uga hooseeyay dhanka codadka.
Sidoo kale, Amama Mbabazi ayaa weydiistay Maxkamadda sare ee Dalkaas inay qaadacdo natiijadii kasoo baxday doorashadii waddanka Uganda, isagoo sabab u dhigayay in guddiga doorashada dalkaas aysan u hoggaansamin xeerarka doorashada.
Laakiin, Inkastoo Maxkamaddu ay xaqiijisay inay jiraan Qaladaad dhacay, haddana waxay sheegtay inaysan saameyn ku yeelan doonin natiijada kama dambeysta ah ee ka soo baxday doorashada, si ay taasi ugu cudur-daarto in la tuuro natiijadii kasoo baxday doorashada.
Wasiirka Warfaafinta Uganda, Jim Muhwezi ayaa warbaahinta u sheegay inay ku qanaceen go’aanka maxkamadda sare, taasoo ahayd in ay Taageertay dib u doorashadii Madaxweyne Yoweri Museveni.
“Dabcan… Xukuumaddu aad ayaan ugu faraxsannahay go’aanka maxkamadda sare ay soo saartay, waayo arrin wanaagsan, waana mid aan innagu hore u sii ogeyn. Shacabka Uganda iyagaa go’aansaday inay mar kale soo doortaan madaxweyne Museveni, wuxuuna natiijada doorashada ka helay in ka badan 50%. Sidaas awgeedna, go’aanka maxkamada sare waxay xaqiijisay waxaanu horay u rumeysnayn,” ayuu yiri Muhwezi.
Muhwezi ayaa intaa ku daray, in go'aannadii makamadda ay qayb ka ahayd in Mucaaradka iyo xukuumaddu ay kawada shaqeeyaan horumarka dalka, lagana wada-shaqeeyo Amniga.
“Taasi waa run… waayo dhammaanteed mas’uuliyad ayaa naga saraan dalkeena. Waana in hawshaas ay madaxweyne, mucaarad iyo muwaadin walba oo waddankan u dhashay uu ka qayb-qaato, ayna mas’uuliyadi ka saaran tahay,” ayuu Muhwezi ku daray hadalkiisa.
Hoggaamiyaha xisbiga ugu tunka-weyn mucaaradka Uganda, Dr. Kizza Besigye oo ka mid ahaa xubnihii u Tartamay madaxnimada dalkaas, ayaa wuxuu sheegay in dib u Doorashadii Yoweri Museveni aysan ahayn mid si sax ah u dhacday. Isagoo intaas ku daray in go’aanka maxkamada sare ee Uganda uusan ahayn mid cadaalad ku dhisan. Waxaana Besigye uu ku jiraa xabsi guri muddo 40-maalmood ah.
Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta Uganda, Jim Muhwezi ayaa Diidmada Kizze Besigye ee go’aankii maxkamada sare ku tilmaamay aan la qaadan karin, isagoo xusay hadda yahay mas’uul ku jira xabsi guri.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya