
Jimco, Abriil 01, 2016 (HOL) — Maamul-goboleedka Galmudug ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu Maanta soo saaray, walaac kaga muujiyay kana digtay askareynta carruurta ee Al-shabaab, iyagoo ugu baaqay Beesha Caalamka in Caruurtaas wax lala qabto.
Galmudug ayaa xustay in dagaalladii dhawaan ay xoogag ka tirsan Al-shabaab kula galeen deegaanno ka tirsan kuwa Galmudug ay kusoo qabteen maxaabiis 110-qof ah, kuwaasoo ay sheegeen in 38 ka mid ah ay yihiin caruur da’adoodu 18-jir ay ka yar tahay.
Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Galmudug, Maxamuud Cabdi Cismaan (Masaga-waa), ayaa war-saxaafadeedka ku yiri. “Walaac weyn bay nagu haysaa inaan aragno carruurteenii Soomaaliyeed oo ay Al-shabaab Askareynayso si ay u dagaal-geliyaan. Waana nasiib-darro in lagu gubo dagaallada carruur Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka dalka. Diinteena suuban, xeerarka dalkeena iyo kuwa caalamiga ahba - ma ogola in sharafka iyo karaamada caruurta wax loo dhimo. Falkan aad baan u cambaareyneynaa ugana digaynaa kooxaha argagaxisda ah inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaal-gelinta carruurta Soomaaliyeed.”
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Galmudug ay ku dadaalayso in 38-kaan qof ee caruurta ah laguna soo qabtay dagaallada si wanaagsan loola dhaqmayo oo loo fidiyo daryeel, balse waxay Galmudug u baahan tahay kaalmmo Caalamiga ah, si carruurta loo xannaaneeyo.
“Maamulka Galmudug... waxaa ka go'an in 38 caruurta ah ee lasoo qabtay iyo Maxaabiista kaleba la xannaaneeyo oo ay helaan dhaqan-celin & daryeel wanaagsan, si ay bulshadooda uga mid noqdaan oo ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka. Laakiinse Galmudug ahaan ma haysanno xarumihii lagu xannaaneyn lahaa oo Dhaqan-celin loogu sameyn lahaa. Sidoo kale ma heysano dhaqaalihii caruurtan loogu fidin lahaa daryeelka iyo dhaqancelinta ay u baahan yihiin,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka warfaafinta Galmudug.
Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug, Masaga-waa, ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka, Ganacsatada & Bulshada Soomaaliyeed inay gaan ka geystaan qorshaha dhaqan-celinta carruurtan oo muhiim ah inay helaan daryeel fiican, Waxbarasho iyo in laga wacyi-geliyo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadeynta iyo horumarka waddanka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya