Jimco, Abriil 01, 2016 (HOL) — Kulan ay Muqdisho ku yeesheen culumada, wax-garadka, Aqoon-yahannada iyo Dhallinyarada beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, ayaa Hoggaan doortay ku doortay maanta.
Sheekh Maxamed Sh. Aadan Nuux, oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay midnimada iyo isku-xirnaanta, taasoo looga gudbi kara caqabadaha mar waliba yimaada, isagoo xusay sida loogu baahan yahay in mar waliba la isku-duubnaado.
“Beel kasta waxay leedahay Hoggaan.. sidaa daraadeed Qaybaha kala duwan ee Bulshada beesha waa in ay ku kalsoonaadaan Hoggaankooda,“ ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Xuseen Samatar (Abu Xamza) oo kulanka ka hadlay, wuxuuna kula dardaarmay guddiga hawshan waday inay si dacad ah uga soo dhalaalaan hawsha loo igmaday.
Prof, Cali Daahir Maxamed oo ka mid ah aqoon-yahannada Beesha oo isagana ka hadlay kulanka ayaa sheegay in la gaaray xilligii beesha ay Bulshadeeda horumarin lahayd, gaar ahaan Waxbarashada, Caafimaadka iyo adeegyada kale ee lagama maarmanka ah. isagoo u soo jeediyay Guddiga cusub ee Beesha Jidle inay ku dadaalaan cadaaladda iyo isku-xirnaanta.
Guddoomiyaha cusub ee Beeshan, Axmed Cabdulaahi Ibraahim (Kiin-boow) ayaa mahad-celin kaddib, wuxuu sheegey in xilka uu yahay mid culus looga bixi karo oo keliya in la helo wadajir iyo wada-shaqeyn guud, isagoo sheegay. “Sidaad iigu aaminteen hoggaankan ayaa ugu soo bixi doonaa, guddiganna wuxuu awoodiisa oo dhan isugu geynayaa sidii uu hawshan uga soo bixi lahaa.”
Ugu dambeyn, Waxaa isagana kulanka hadal qiimo leh ka jeediyay Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo sheegay inuu dhiniciisa soo dhaweynayo hoggaanka cusub ee beesha dooratay, wuxuuna sheegay inuu guddigan cusub ay yihiin xubno u bisil inay wax badan qabtaan.
“Talaabadan waxay igu abuurtay yididiilo wanaagsan, ka wasiir ahaanna waxaan kula dar-daarmayaa Guddigan dhaqanka Samir iyo dul-qaad,“ ayuu yiri Wasiirka oo intaas raaciyay. “Hoggaan qurxoon, wuxuu soo saaraa dad qurxoon oo dalka iyo dadkaba Wax-tara, marka Waxaan idinka sugeynaa in Hoggaankiina uu noqdo mid wax beddela,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay wasiirka dhallinyarada DFS.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)