Daawo: Magaalada Minneapolis oo laga Furayo Barnaamijka Tayeynta Aqoonta Dhallinyarada


Jimco, Abriil 01, 2016 (HOL) — Barnaamijkan oo magaalooyinka St Paul iyo Eden Prairie lagu qaban jiray, ayaa sannadkan lagu daray Magaalada Minneapolis, gaar ahaan Xaafadda Riverside kaasoo ah mid ardayda lagu barayo maaddooyin ay ka mid yihiin; Tiknolojiyada, Xisaabta, Sayniska iyo Injineernimada. Iyadoo macalimiin ka socota Jaamacada Minnesota ay dhigayaan.

Barnaamijkan ayaa ah mid ay qaataan marka iskuulada caadiga ay ardaydu dhameystiraan. Iyadoo hadda la diiwaan-galinayaa ardayda daneynaysa in ay ka Qaybgalaan barnaamijkan oo furmaya 06-da Abriil, 2016-ka.

Sidoo kale, 4H STEAM Club, Waa barnaamij ay Tayadiisu aad u sarreyso, kaasoo ah mid loogu talo-galay in kor loogu qaado tayada Aqooneed ee ardayda, in la baro is-dhex-galka bulshada loona barbaariyo sidii ay u noqon lahaayeen Hoggaamiyeyaasha berri. Wuxuuna noqon doonaa barnaamij ay waaliddiintu ka qayb-qaadanayaan.

Waxaa kaloo, barnaamijkaan uu qayb ka yahay - sidii loo xoojin lahaa is-fahan mar walba joogto noqda looga dhex-abuuri lahaa dhallinyarada iyo waalidkood, iyadoo sidoo kale uu barnaamijkaan abuuri doonaa fursado Waxbarasho oo qoysaska oo dhan ay ka Faa’iidasan karaan.

Dhanka kale, waxay ardaydu heli doonaan caawin nooc kasta ah, si loo hubiyo inaanay dib uga dhicin xilligii qalin-jabintooda iyo in loo helo Waxbarasho wanaagsan Xitaa marka ay dugsiga sare ka baxaan.

DAAWO: Video ku saabsan Barnaamijka Tayeynta Ardayda ee Gobolka Minnesota;

Manhajkan waxaa qayb ka ah University of Minnesota qaybteeda ka shaqaysa horumarinta dhallinyarada, waxaana ardayda lagu bari doonaa sidii ay u soo bandhigi lahaayeen awood-dooda iyo Hal-abuurnimadooda Injineernimo. Wuxuu noqon doonaa Barnaamij aad looga soo shaqeeyay.

Barnaamijkaan, Wuxuu u qaybsanaan doonaa laba qaybood oo kala ah;

1. Waxaa ardaydan laga caawin doonaa wixii ku adkaada oo Wax-barashadooda la xiriirta. Waxaana loo sameyn doonaa la taliyayaal iyo macalimiin aqoon sare leh. Waxay helayaan goobo waxbarasho oo ku haboon hadba waxay baranayaan si kor loogu qaado xirfaddooda shaqo iyo tooda aqoondeed.

2. 4h Steam club: Sidoo kale barnaamij waa mid ay ku midoobeen University of Minnesota qaybteeda horumarinta dhalinyarada iyo ururka Kajoog iyo degmada 6-aad ee Minneapolis oo madaxa ka yahay Cabdi Warsame. Wuxuuna noqonayaa Barnaamij aad u faa’iido badan kaasoo kor loogu qaadi doono aqoonta ardaydu u leeyiin dhaqanka, hiddaha iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Waxaa lagu casuumayaa baarnaamijkan inay si wadajir ah uga qayb-qaataan dhallinyarada, fannaaniinta, abwaaniinta iyo hogaamiyayaasha dhallinyarada qaybaheeda kala geddisan.

Ugu dambeyn, Barnaamijkaan wuxu socon doonaa sannadkan oo dhan, Waxaan iyadana ka maqnaan doonin dalxiiskii lagu maqnaan jiray muddada toddobaadka ah oo ay wada-qaban jireen Ururka Kajoog iyo University of Minnesota, kaas oo ay Dhallinyaradu mar walba ka Koror-sadaan xirfado badan oo kor u qaada aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneaplis, Minnesota