
Sawir muujinya abaarta
Jimco, Abriil 01, 2016 (HOL)-Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay kubiirinayso oo ay ugu yaboohday aduun lacageed oo dhan hal milyan oo doolarka Mareykanka ah ololaha gurmadka abaaraha halakeeyay dad iyo duunyaba qeybo badan oo dalka ah.
Dhawaan ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska raisulwasaaraha Soomaaliya lagu magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka sheqeeya samatabixinta iyo gurmadka abaaraha ku quftay qeybo kamid ah Soomaaliya.
Guddigaan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Fadaraalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamed Odawaa, iyadoo ku xigeenna looga dhigay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, halka ay xubno ka yihiin illaa sagaal wasaaraaradood.
Shaqooyinka loo igmaday gudigan ayaa kala ah xiriirinta DFS iyo beesha caalamka, ku boorinta ganacsatada iyo hayadaha maxaliga ah inay u gurmadaan dadka ay abaartu saamaysay iyo la shaqeynta qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah sida culimaaudiinka, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada iyo jaaliyadaha ku dhaqan qurbaha.
Qore: Aaden M Warsame
[email protected]