KISMAAYO: Kulan loogu Gogol-xaarayo dhismaha Baarlamaanka oo la Qabtay



Talaado, Janaayo 20, 2015 (HOL) — Kulankan oo loogu gogol xaarayay shirar lagu soo dhisi doono baarlamanka cusub ee uu yeelan doono maamulka Jubba ayaa maanta ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo kulankan ay kasoo qeybgaleen odoyaasha dhaqanka beelaha dega Jubooyinka, siyaasiyiinta, madaxda maamulka Jubba iyo weliba wufuud ka socotay beesha Caalamka.

Xubnihii kasoo qeybgalay kulankii maanta waxaa kamid ahaa danjiraha dowladda UK ee Soomaaliya, wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, wakiillo ka socday urur goboleedka IGAD, dowladda Kenya iyo Itoobiya.
Kulanka ayaa intii uu socday lagu gorfeeyay habka ugu haboon ee loo soo xuli karo baarlamanka cusub ee uu yeelan doono maamulka Jubba, waxaana xubnihii ka qeybgalay kulanka ay isweeydaarsadeen afkaaro kala duwan.

Max’ed Cabdi Afeey wakiilka IGAD ee Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay madaxda maamulka Jubbaland in ay ka shaqeeyaan cadaaladda islamarkaana ay baarlamanka kusoo dhisaan hab ay ku wada qanacdo bulshada ku dhaqan deegaanada Jubooyinka.

Sidoo kale sii hayaha xilka ku xigeenka wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliya mudane C/raxmaan Max’ed Saalax, waxa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay si deg deg ah guddi gaar ah ugu soo xuli doonto ka qeybqaadashada baarlamanka cusub ee la filayo in uu yeesho maamulka Jubba, isagoo sheegay in hadii maamulka Jubba uu dhismo uu tusaale u noqon karo maamullada kale ee la filayo in laga yagleelo dalka.

Ugu danbeyntii madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in maalmaha fooda nagu soo hayo ay soo dhisi doonaan baarlamanka uu yeelan doono maamulka Jubbaland, waxa uuna sheegay in shirarka lagu soo dhisayo baarlamanka ay goobjoog ka noqon doonaan xubno ka kala iman doona beesha Caalamka iyo weliba dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.