
Talaado, Janaayo 20, 2015 (HOL) — Booliiska gobolka Bihar ee bariga dalka Hindiya ku yaalla ayaa sheegay inay siddeed qof u qabtaan dilka saddex qof oo muslimiin ah oo lagu gubay gobolkaas illaa ay dhintaan.
Warbaahinta Hindiya ayaa baahisay in dadka muslimiinta ah ay gubeen kooxo dhallinyaro ah oo aamisan diinta Hinduuga, taasoo qayb ka ah colaad muslimiinta iyo Hinduuga wada-dega gobolkaas u dhexeysa.
Saddexdan qof ee muslimka ah ee la gubay ayaa la sheegayaa in lagu qabtay weerar ay ku qaadeen kooxo Hinduus ah xaafadda Azizpur ee degmada Muzaffarpur oo muslimiintu ay degaan, iyadoo la gubay gellinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd.
Rabashadahan ayaa billowday kaddib markii kooxo Hinduus ah oo careysan ay duullaan ku qaadeen xaafadda muslimiinta, waxaaa warbixin booliisku ay soo saareen lagu sheegeen in colaaddan ay ka dhalatay markii wiil 19-jir ah oo Hinduu ah oo muddo hal toddobaad ah la maqnaa gabar Muslim ah oo ay is-jeclaadeen la dilay.
Degmadan ayaa la sheegay in tan iyo maalintii Axadda ahayd ay xiisado ka jireen, iyadoo maamulka gobolka ay sheegeen in qoysaska ay ka dhasheen dadka dhintay lagu xukumay inay bixiyaan min 8,100 doolarka Mareykanka ah.
Si kastaba ha ahaateen, dalka Hindiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan caalamka ayaa waxaa inta badan ka dhaca colaado ku saleysan dhanka diinta, kuwaasoo sababay dhimashada dad aad u fara badan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya