
Talaado, Janaayo 20, 2015 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa sii daysay labo haween ah oo Soomaaliyeed kuwaasoo ka mid ahaa 10-ruux oo ciidamada amniga ay sannadkii hore ku qabteen xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Kampala, iyadoo lagu eedeeyay inay falal argagaxiso geysan rabeen.
Haweenka labadan ah oo lagu kala magacaabo, Yaasmiin C/llaahi oo 20-jir ah iyo Hodan Axmed oo 23-sano jir ah ayaa muddo xabsiga ku jiray, iyadoo dhowr jeer la horkeenay maxkamadda Kampala.
Xeer-ilaalinta guud ee dalka Uganda ayaa joojiyay dacwaddii gabdhahaan Soomaaliyeed loo haystay, isagoo amar ku bixiyay in la sii daayo, dambiyadii lagu soo eedeeyayna ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin.
Sidoo kale, qareenkii guud ee Uganda, Edward Muhumza ayaa sheegay in ay u gudbiyeen maxkamadda warqad ku aaddan in labadaas gabdhood lagu waayay dambiyadii lagu soo oogay.
Dhinaca kale, wiilal Soomaaliyeed oo iyana lagu eedeeyay inay taageerayeen Al-shabaab ayna abaabulayeen weerarro ay ka geystaan Uganda ayaa iyana maxkamad sugayaal ah.
Si kastaba ha ahaatee, wiilasha Soomaaliyeed oo magacyadoodu kala yihiin; Maxamed C/qaadir, Cabdi C/llaahi, Xasan C/weli, Maxamed Axmed, Yuusuf Cismaan, Cabdi Maxamed iyo Maxamed Yuusuf ayaa dhammaantood gacanta lagu dhisay bishii September ee sannadkii hore.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya