Kooxaha Xuutiyiinta ah oo la Wareegay Xarunta Madaxtooyada Dalka Yemen


Talaado, Janaayo 20, 2015 (HOL) — Dagaalyahannada Xuuthiyiinta dalka Yemen ayaa la wareegay gellinkii dambe ee maanta qasriga madaxtooyada dalkaas, kaddib dagaallo culus oo maanta ka dhacay magaalada Sanca ee xarunta Yemen.

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Yemen, Col. Saalax Al-Jamalani ayaa xaqiijinayay inay xoogagga mucaaradka ah ee Xuuthiyiinta ay la wareegeen xarunta madaxtooyada, isagoo ku sifeeyay tallaabadan mid af-gambi ah.

Madaxweynaha Yemen, Cabdurabbi Mansuur Haaddi ayaa la sheegay inuu ka baxsaday xarunta madaxtooyada, iyadoo goobjoogayaal ku sugan Sanca ay sheegeen in xilligii uu dagaalku dhacayay uu madaxweynuhu madaxtooyada ku sugnaa.

Xoogagga Xuuthiyiinta ah ayaa maalin ka hor billlaabay inay qasriga duqeyn u geystaan, iyadoo ra’iisul wasaarihii dalkaas uu si dirqi ah shalay uga baxay xarunta madaxtooyada Yemen.

Dowladda Washington ayaa dalka Yemen wuxuu u ahaa goobta ugu muhiisan ee ay Al-Qaacida bariga dhexe kala dagaalamaan, iyadoo tallaabada ay kooxda Xuuthiyiinta kula wareegeen madaxtooyada Yemen ay dhabar-jab weyn ku noqonayso Mareykanka.

Mucaaradka Yemen ayaa dagaalkooda billaabay bishii September ee 2014-kii iyagoo tan iyo xilligaas ku sii siqayay goobaha ay dowladdu maamusho oo ay ka mid ahaayeen xarumaha warbaahinta dalkaas oo ay shalay qabsadeen.

“Kooxaha Xuuthiyiinta ah waxay gudaha madaxtooyada ka billaabeen inay ka urursadaan hubkii ku kaydsanaa,” ayuu warbaahinta u sheegay Col. Jamalani oo ku intaas ku daray in sidoo kale mucaaradku ay bililiqo xooggan u geysteen qasriga.

Ugu dambeyn, wararka ayaa sheegaya in mucaaradka maanta la wareegay madaxtooyada dalka Yemen ay gacanta ku dhigeen Sabtidii lasoo dhaafay madaxii shaqaalaha qasriga madaxtooyada, Axmed Cawad Bin Mubaarak.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya