Talaado, Janaayo 20, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska xuquuqda carruurta, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo xubno labada gole ee dowladda ka tirsan.
Xasan Sheekh ayaa munaasabadda ka sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta qalinka ku duugo dukumentigan muhiimka ah ee heshiiska caalamiga ah ee ilaalin doona xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.
“Waxaan maanta ku faraxsanahay inaan idin sheego in dukumentigan uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan ee aan saxiixi karo, anigoo madaxweynaha Soomaaliya ah,” ayuu madaxweynuhu ka yiri munaasabadda saxiixa.
Mar uu ka hadlay madaxweynuhu sababta uu heshiiskan u saxiixay ayuu yiri. “Sababtu waxay tahay in warqadan gebi ahaanteedba ay dhowrista carruurta Soomaaliyeed ay ka hadlayso xuquuqda carruurteenna iyo weliba carruurta dunida ku nool.”
Heshiiska xuquuqda carruurta waxaa loo qoray iyadoo la aqoonsaday inay u baahan yihiin carruurtu daryeel gaar ah iyo taageero si ay u koraan iyagoo awood u leh inay kaalinta ugu wanaagsan ka galaan bulshada ay la nool yihiin.
“Korriinka waa sida safar la gelayo, balse aadan ogeyn goorta aad gaareyso, meesha aad ku socoto, ama sida aad ku gaari karto. Waxaa jira waxyaabo badan oo u baahan in la barto, waxyaabo badan oo noloshaada soo maraya, iyo inaad mar walba sameyso xulasho cusub,” ayuu madaxweynuhu yiri mar kale, isagoo intaas ku daray. “Korriimada carruurta ee Soomaaliya waa mid dhib badan. Qaarkiin waxaa laga yaabaa inay weli xusuustaan dhacdooyin xanuun badan ee idin soo maray. Qaarkiinna waxaa laga yaabaa inay weli is-weydiinayaan wuxuu mustaqbalkoodu noqon karo.”
Madaxweyne Xasan ayaa intaas ku daray - Allah ayaa mahad leh, waayo ma ihi oo keliya madaxweyne, balse waxaan kaloo ahay aabbe. shaqada aabaha waa inuu carruurtiisa daryeelo, inuu guri amni leh u helo, si ay ugu koraan goob ay ku dareemi karaan in kalgaceyl loo hayo, la ilaalinayo, loona muujinayo jaceyl iyo daryeel gaar ah.
“Shaqadeyda ayay qayb ka tahay inaan xaqiijiyo inaad heshaan waxbarasho oo aad dugsiyada aaddaan, isla mar ahaantaana ay macalimiintiina si fiican wax idin baraan. Waa qayb ka mid ah shaqadeyda inaan xaqiijiyo in marka aad kortaan - aad shaqo heli kartaan si aad u caawisaan qoysaskiina,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in si wadajir ah ay u abuuri doonaan Soomaaliya oo nabad ah si aad ugu kortaan farxad. Taana waan ku guda jirnaa.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay. “Maanta waxan saxiixay heshiis muhiim u ah xuquuqda carruurta. Tani waxay ka dhigan tahay in Soomaalida ay idinku eegayaan sharaf aadminimo iyo inaad u qalantaan inaad sio fiican u hano-qaaddaan.” Wuxuuna xusay in in isagoo kaashanaya baarlamanka uu aqbalay in dowladda federaalka Soomaalihya ay dhowri doonto xuquuqdiina iyadoo loo marayo hab sharci ah.
Isagoo carruurta Soomaaliyeed la hadlayay ayuu yiri madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud. “Waa inaad dugsiyada ku negaataan. Si wanaagsana aad wax u barataan. Macallimiintana waa inay ardayda baraan sida ay nolosha caadiga ah u isticmaalayaan. Idinkuna waa inaad xushmeysaan macallimiintiinna, waalidkiina iyo saaxibadiinana waxaad ula dhaqantaan sida idinkuba aad jecleysan lahaydeen inay idin kula dhaqmaan. Waa inaad u dhegeysataan si deggen, dabeecadahiinna ha noqdaan kuwo tusaale fiican bixiya.”
Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa hadalkiisa kusoo af-jaray. “Waa inaad eegtaan amaba aad diiradda saartaan mustaqbalka. Ma aqbali karno in wixii lasoo dhaaafay ay caqabad ku noqdaan mustaqbalkeenna. Haddii aad maqasho waxyaabihii hore uga dhacay Soomaaliya, waa inaadan la hayste u noqon xaaladahaas laga soo gudbay. Waa inaad ka fikirtaa inaad doonayso mustaqbalka Soomaaliya, sidaa darteed waa inaad taa ka dhabeysaa.”
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
