AADAN BARRE: Somalidu kuma khasaarin Xubnaha ugu jira Dowladda Kenya


Talaado, Janaayo 20, 2015 (HOL) — Hogaamiyaha Golaha Aqlabiyada ee Baarlamaanka Kenya isla markaasna ah Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Dhuujis ee ismaamulka Gaarisa-Aadan Bare Ducaale ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aynan ku khasaarin mudayaasha Soomaaliyeed ee xilalka kala duwan ka hayo dowlada Kenya.

Ducaale oo ka hadlaayay xaflada dhawaan ka dhacday Xaafada Islii oo ay ka qeyb galeen mudanayaal iskugu jiray Xildhibaano iyo Senataro, ayaa sheegay in xiriir fiican uu ka dhaxeeyo Xildhibaanada soomaalida ugu jiro Baarlamaanka iyo waliba mudanayaasha kale ee ka tirsan laamaha kale ee dowlada ee ayaguna Soomaalida ah.

Mar uu ka hadlaayay xiriirka ka dhaxeyo Xildhibaanada Soomaalida ah, ayuu sheegay Aadan Bare in loogu yeero “Xildhibaanada Soomaalida”, markastana ay sheekeystaan- wada shaqeyn joogto ah oo kala warqaadasho ahna ay ka dhaxeyso.

“Soomaalidu naguma qasaarin hadii aanu nahay Xildhibaanada dowlada ku jiro, xiriir fiican ayaan leenahay- xilka nalooguma dhiibin inaan iska fadhino. Marka la keeno baarlamaanka sharciyo cusub xildhbaanadeenu waan ka fariisanaa, waxaana iska weydiinaa Islaamka maxaa dhibaato ah oo sharcigaas uu u keenayaa, hadana waxaan is weydiinaa Soomaalida maxaa dhibaato ku ah, hadii aan aragno wax Islaamka iyo Soomaalida dhibaayo u keenaayo oo sharcigaas ku  jiro waan diidnaa” ayuu yiri Mudane Ducaale. 

Dhanka kale Aadan Bare, ayaa ku booriyay dadkii ka qeyb galay xafladaas in la badiyo Soomaaliyeed, isagoona kula kaftamay raggii goobta joogay in ay guursadaan afar dumar ah si Soomaalida loo badiyo.

Dadka ku dhaqan gobalka Waqooyi Bari Kenya, ayuu sheegay hadii ay u ogoladaan Mudanayaasha xilalka hayo in ay wakhti kale ugu daraan, in taasi ay fududeyn laheyd in dadka gobalkaas codadkooda ka dhiibanaayo ay ka codeyn lahaayeen magaalada Naiorbi, si soomaalidu ay Kuraas badan ugu yeelato gudaha Naiorbi.

“18-ka Kursi ee magaalada Nairobi kuma filna Soomaalida hal Kursi oo ah kan degmada Kamukunji ee xaafada Islii ay ka tirsan tahay, ugu yaraan afar Kursi ayaan rabnaa inaan ku yeelano Nairobi, marka si taas ay u dhacdo waa in la mideeyaa codadka”, ayuu yiri Adan Bare Ducaale oo ugu baaqay in dadka Soomaaliyeed ay ka fogaadaan wax kasto oo khilaaf keeni karo.

Xildhibaanada Soomaaliyeed ee ku jiro Baarlamaanka Kenya, ayuu sidoo kale Ducaale ugu baaqay iney ku biiraan hal xisbi oo ah kan uu ka tirsan yahay ee hayo talada wadanka Kenya ee Jubilee, isla markaasna wuxuu balan qaaday in si weyn loogu soo dhaweyn doono.

Hadalka Aadan Bare, ayaa ku soo beegmaayo ayadoo dhawaan dowlada Kenya ay meel marisay sharci cusub oo baarlamaanku uu ku kala qeybsamay kaasoo qodobo kamid ah oo Maxkamada sare ee Kenya ay diiday; markii hore lagu sheegay in ahaayeen kuwa Islaamka iyo Soomaalidaba dhibaato u keeni karay.

Sidoo kale, hadalkan ayaa ku soo beegmay xili howl-gal mudo socday wuu wali ka sii socdo xaafada Islii ee Soomaalida badan ay ka dagan yihiin magaalada Nairobi, ayadoona xiliyada habeenkii ah ay ka dhacaan xaafadaas falal askartu ay ku qab-qabanayaan shacabka Soomaaliyeed ee xaafadaas ku dhaqan isla markaasna ay ku baarayaan baabuurta soo galo iyo kuwa ka baxo xaafadaas.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya