Banaanbax ka dhan ah Dalka Faransiiska oo Baydhabo ka dhacay (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 20, 2015 (HOL) — Boqollaal qof oo careysan ayaa maanta banaanbax ku sameeyay waddooyinka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo horumuud ay u ahaayeen aqoon-yahannada gobalka Bay, kaasoo socday muddo saacado ah, iyagoo socod ku maray waddada suuqa Afar-irdoodka, dahab-shiil iyo waddooyinka magaalada oo dhan, waxaana lagu gubay intii uu dibadbaxu socday calanka iyo sawirka madaxweynaha Faransiiska.

Dibadbaxa ayaa waxaan ka qayb-galin madaxda gobolka iyo mas’uuliyiinta Koonfur-galbeed ee Baydhabo ku sugan, laakiinse waxaa goob-joog ka ahaa dhammaan golaha aqoonyahanada iyo waxgarad kala duwan.

Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in adduunka loo kala baxay mulism iyo gaalo, ayna maanta bannaan tahay in la difaaco diinta, waayo Nebigeenna (NNKH) ayaa la af-lagaadeeyay.

Mudaaharaadayaasha ayaa waxaa u badnaa ganacsato iyo culumada ku nool degmada Baydhabo, iyadoo aysan ku jirin siyaasiinta ka qaybgalay, waxaana dibadbaxayaashu ku dhawaaqayeen erayo ay ku weynaynayeen Illaahay iyo rushusiisha,  kuwaasoo ay ka mid ahaayeen nabi ammaan iyo towxiidka Alle.

Ugu dambeyn, bannaanbaxa intuu socda ayaa waxaa xirnaa wadooyinka iyo ganacsiga magaalada Baydhabo, iyadoo dibadbaxu uu ku soo dhammaaday si nabadgalyo, mana jirin rabshado dhacay.

Hiiraan Online, Baydhabo