Talaado, Janaayo 20, 2015 (HOL) — Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Deefoow ee duleedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, dagaalkan ayaa wuxuu u dhexeeyaa malleeshiyooyin beeleed hogay ugu dagaalamay deegaanka Deefoow.
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalkan oo aad u xooggan uu sababay illaa hadda dhimashada laba ruux oo dhinacyadii uu u dhexeeyo dagaalka iyo dhaawaca saddex qof oo kale.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu weli socdo, inkastoo aan la heli karin faahfaahinno rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalkaas uu dhaliyay, waxaana horay labada dhinaca ay heshiis ugu gaareen Baladweyne.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo waxgaradka ayaan weli ka haldin iyadoo la sheegayo inay socdaan dadaallo lagu doonayo in colaadda soo cusboonaatay lagu joojiyo.
Wiixi warar ah ee kusoo kordha dagaalka waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL, haddii ALLE ogolaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya