
Talaado, Janaayo 20, 2015 (HOL) — Shir looga hadlayo xulidda xubnaha baarlamaanka uu yeelanayo maamulka KMG Jubba ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Wufuud ka socota dowladda dhexe iyo wakiillo ka socda IGAD iyo beesha caalamka ayaa la filayaa inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo, iyadoo ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Kismaayo ka socday kulammo looga doodayo qaabka loo soo xulayo xildhibaannada maamulka, waxaana la kala dooran doonaa in lagu soo xulo qaab deegaan ama mid beeleed.
Doodda ku saabsan tirada xildhibaannada iyo qaabka loo marayo soo xulistooda ayaa uga socota Kismaayo masuuliyiinta maamulka Jubba iyo waxgradka, iyadoo dowladda dhexe lagu wado inay dooddan ka qaybgasho.
Shacabka iyo mas’uuliyiinta maammulka KMG-ka ah ee Jubba ayaa u diyaar garow weyn ugu jira soo dhaweeyaan masuuliyiinta la filayo inay maanta gaaraan Kismaayo, si ay uga qaybgalaan shirka xulitaanka xildhibaannada maamulkaas.
Madaxweynaha maamulka Jubba, Sh. Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay in howsha xulitaanka xildhibaannada maamulkan ay ka socoto Jubbooyinka, isagoo sheegay in laga doonayo odayaasha dhaqanka inay xildhibaannada soo xulaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya