COL. CABDOOW: Guddi ayaa loo Saaray Dadkii Rayidka ahaa ee lagu dilay Deegaanka Halgan


Axad, Ogoosto 09, 2015 (HOL) — Taliyaha Qaybta Afraad ee Howlgalka Midowga Afrika AMISOM, Col. Cabdoow Cabdi Dhibil oo Wehliyaan Saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM ayaa manta Sheegay in Guddi loo saaray Falkii lagu dilay dadka Shacabka ah ee ka dhacay Deegaanka Halgan.

Taliyaha ayaa sheegay in xogta arrintan ku saabsan hayaan, laakiin loo baahan yahay in la hello faah faahin ka badan inta hadda la og-yahay iyo sababta keentay toogashada dadkaasi rayidka ah.

“Arrintaa waan ka warheynaa, waxaa naloo sheegay in meel koontarool ah dadkan gaarigii ay la socdeen rasaas lagu furay, laakiin waan baareynaa si aan u helno faah faahin intaa ka badan,” ayuu yiri Col Cabdoow.

Wuxuu taliyuhu intaa ku darray inaysan u socon ciidamada AMISOM inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah, laakiin ay beegsanayaan oo kaliya wax uu ku tilmaamay Cadowga.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii askar ka tirsan ciidammada Itoobiya meel dulleedka ah deegaanka Halgan ku toogeen dad rayid ah oo la socday gaari Hoomey, waxaana falkaa ku geeriyooday shan ruux halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday & ehelada dadkii geeriyooday oo siyaabo kala duwan ula hadllay warbaahinta, ayaa sheegay in wax lala yaabo aheyd sidda uu falka u dhacay, madaama ka hor dadka inta aan la dillin lagu sameeyay baaritaan lana ogaaday in aysan hubeysneyn.

Qof Haweeney ah oo ka badbaaday Dhacdadan ayaa sheegtay in Gaarigii ay la socdeen la joojiyay kaddibna leysugu geeyay meel ka durugsan halkii looga dajiyay gaariga.

“Inta aysan Rasaasta nagu furin waxey nagu soo tuureen Bam gacmeed, ma aysan Qarxin, mid kale ayeey nagu soo tuureen, siddoo kale ma aysan qarxin, kaddibna waxey bilaabeen in ay dadka toogtaan,” ayay tiri Haweeneyda la hadashay warbaahinta.

Wali ma jiro war Rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Guud ee AMISOM oo la Xiriira Falka lagu dilay Dadkaan Rayidka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya