
Axad, Ogoosto 09, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Xaaladda Guud ee dalka, wuxuuna baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed; baaqaasoo ku aaddan inay horay u socdaan oo ay ka gudbaan wixii soo maray muddadii dowlad la’aanta ay dalka ka jirtay iyo wixii ka dambeeyay.
Xasan Sheekh ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu baaqay inuu waqti kale ka lumin; is-qab-qabsiga iyo khilaaf ay iska illoobaan, isla markaana ay horay u sii socdaan si loo gaaro Hormar iyo Barwaaqo.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay is-fahan uu sheegay in uu ka dhax-jiro Dowladda Somalia, isagoo carabka ku dhuftay in baarlamaanka, xukuumadda iyo hay’addaha kale ee dowladda ay leeyihiin wada-shaqeyn aad u wanaagsan oo heerkeedu sarreeyo.
“Waqti badan ayaa na dhaafay, fursado badan ayaa na dhaafay. Marka waxaan doonaynaa hadda inaanu waqti na dhaafin oo fursaduhu na dhaafin, waayo 25-sano ayaan gadaal u sii eegaynaa. Marka haddaan sidaan kusii jirno maxaad u maleynaysaan waqtiga aan ku wayn karno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waa inaynu Horay u sii Soconnaa oo aan Deg-degnaa… Waana inaan iska-dhaafnaa is-qab-qabsiga iyo Waxyaabaha aan macnaha noo sameynayn… Qof waa inuu ogaado in dareenka uu qaado uu ogaado wuxuu ku saleysan yahay dareenkiisa… Walaalkaaga kale ee Soomaaliga ah inuu Haybad yeesho, uuna kula wadaago waxa aad qabto isagoo aan qoorta hoos u laalaadin, taasoo ah tan keliya ee lagu gaari karo dowladnimo dhab ah.”
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in is-yasidda, Hoos isku eeg-eegga iyo reer hebel innagaa erinnay, inaysan Soomaali waxba u tahay oo laga tago, loona wada jeesto sidii dalka dowladnimo iyo horumar loo gaarsiin lahaa.
Si kasta oo ay tahay, hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya xilli ay dowladda Somalia shaacisay in Sanadka 2016-ka aysan doorasho Qof & Cod ah ka dhici karin dalka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya