Weerarkii Hoteel ee Maali oo lasoo Af-jaray iyo Qaar ka mid Kooxihii Weeraray oo la Qabtay


Axad, Ogoosto 09, 2015 (HOL) — Weerarro iyo Go'doomin lagu Sameeyay Koox ku Af-duubtay Hoteel ku yaalla Bartamaha Magaalada Sevare ee dalka Maali dad ajaanib ah ayaa lasoo af-jaray, iyadoo ay ku Geeriyoodeen Weerarkaan 13-qof oo ay ku jiraan shaqaale ka tirsan kuwa Qaramada Midoobay.

Afar Ruux oo ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa la Badbaadiyay; Kaddib markii 24-kii saacadood ee uu howlgalku socday ay ku dhuumaneyeen armaajooyin yaalla qolalka hoteelka.

Dadka Weerarka ku Qabsaday Hoteelka ayaa looga shakiyay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaallama Dalkaas, waxaana haysashadooda hoteelka uu ahaa kii ugu muddo dheeraa ee waayadan ka dhaca dalka Maali.

Ciidamada dalka Maali ayaa howlgalkan soo afjaray xalay, kaddib markii ay u dhaceen gudaha hoteelka oo ay markii hore ku jireen kooxihii weerarka ku qabsaday hoteelka ay toogasho ku dileen.

Illaa hadda ma jiro urur sheegtay inuu mas’uul ka ahaa weerarkaas oo dadkii lagu dilay ay ku jireen Ajaanib u kala dhashay dalalka Koonfur Afrika iyo Ukraine sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka Maali.

Sidoo kale, saraakiisha Millateriga Maali ayaa sheegay in saddex kooxihii weerarka ku qaaday Hoteelka ka mid ah la dilay, halka toddoba kalena ay gacanta ku dhigeen.

Waxaa dadka weerarkan ku dhintay ka mid ah shan askari oo Ciidamada Maali ka tirsan, kuwaasoo la toogtay intii uu howlgalku socday, waxaana saddex kale ay ku dhaawacmeen isla weerarkan oo muddo socday.

Ugu dambeyn, Warbixin ay soo saareen hawlgalka Qaramada Midoobay ee Maali ayaa lagu sheegay in Weerarkaas ay ku dhinteen labo ruux oo Reer Ukraine ah, Qof Nepalese ah iyo Qof u dhashay dalka Koonfur Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya