
Axad, Ogoosto 09, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa maanta Degmada Baydhaba ee Gobolka Bay ka furay shir lagu soo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya.
C/raxmaan Odawaa iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Baydhabo halkaasoo si diirran loogu soo dhaweeyay, iyadoo Shirka uu Maanta furay la sheegay inuu socon doono muddo 30-maalmood ah.
Qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka oo Munaasabaddii Furitaanka Shirkan ka hadlay ayaa Codsaday in Gacan lagu siiyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-galbeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isna Munaasabadda ka Hadlay ayaa Bulshada Deegaannada uu ka Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya Amaanay, isagoo kula dar-daarmay inay kusoo daraan Haween, iyadoo la raacayo sida Dastuurka Somalia uu Qabo oo ah inay 30% Haweenku ku yeeshaan Baarlamaanka.
Sidoo kale, Wasiirka iyo Xubnaha la socday ayaa waxay kulamo gooni-gooni ah la qaateen Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan, iyagoo kala hadlay arrimo badan oo ku saabsan Xaaladda Maamulka.
Ugu dameyn, Furitaanka Shirka lagu soo Xulayo Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ayaa kusoo Beegmaya Xilli Maamulka KMG-ka ah ee Jubbaland uu bishii Abriil ee Sannadkan Sameysay Baarlamaan Matala.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya