
Axad, Ogoosto 09, 2015 (HOL) — Ciidamada Amniga Itoobiya oo Kaashanaya Booliiska Adduunka ee INTERPOL ayaa Shaaciyay in ay Gacanta ku soo dhigeen Toddoba ruux oo xubno ka ah dadka ku shaqaysta tahriibinta dadka.
Haweeney ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee ka Hor-tagga Tahriibta ee Dalka Itoobiya oo lagu magacaabo, Wondimu Chama ayaa sheegtay in Toddobadaan Ruux ee ay Gacanta ku dhigeen laga soo kala Qabtay Dalalka Kenya, Sudan iyo Tanzania, iyadoo intaa ku dartay in kooxahaan ay ka mid yihiin Shabakad isku-xiriirsan oo si weyn uga ganacsada Tahriibinta dadka Afrikaanka ah.
Xukuumadda Itoobiya ayaa horay u shaacisay inay maxkaamad soo taagtay 17-ruux oo ka mid ahaa Dadka ka ganacsada Tahriibinta Dadka oo ku sugnaa gudaha dalka Itoobiya, isla markaana tahriibin jiray dadka Itoobiyaanka ah.
Mas’uulyiinta Itoobiya ee u xil-saaran ka Hortagga dadka wax Tahriibinta ayaa ku sheegay hadalkooda in ugu yaraan 80-qof oo ku kala firirsan caalamka ay ka shaqeystaan tahriibinta dadka.
“Waxaanu xiriirro iskaashi oo looga hortagayo kooxahan isku xiran la yeelannay waddamo dhowr ah oo ay ku sugan yihiin kooxahan si gacanta loogu soo dhigo Kooxahan oo ay ugu yeereen kuwo dadka ku dhiirri-geliyaan tahriibka,” ayay tiri Wondimu Chama.
Sidoo kale, Waaxda ay haweeneydan ka tirsan tahay ayaa sheegtay in kooxdan ay xarumo ku leeyihiin Magaalooyinka ku yaalla dalka Itoobiya, sida Dirir-dhabe iyo Addis Ababa oo ay ku sheegeen inay yihiin meelaha ugu badan ee ay dadka ka tahriibiyaan.
Ugu dambeyn, dalka Itoobiya ayaa ah goobaha ay dadka ugu badan ee Tahriib-doonka ah sii maraan, iyadoo Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu horay ugu yaraan Tahriibka uu hadda noqday meel uu saameyn weyn ku yeeshay tahriibka dadka doonaya inay Qaaradda Yurub galaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya