Booliiska Dalka Kenya oo Sheegay inay Qabteen Haweeney doonaysay inay ku biirto Al-shabaab


Axad, Ogoosto 09, 2015 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa su’aalo weydiinaya laba qof oo lagu tuhmay inay doonayeen inay ku biiraan Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegeen in lasoo Qabtay iyagoo Somalia kusii jeeda.

Saraakiisha ciidamada La-dagaalanka Argagaxisada ee dalka Kenya ayaa sheegay inay ka soo Qabteen labadan Ruux oo Wiil iyo Gabar ah Deegaanka Madogo oo ku yaalla Xeebta dalka Kenya, kaasoo ka tirsan Ismaamulka Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

“Zacharia Omwenga oo lagu Naaneyso [Salma] iyo Cabdi Xuseen Cali oo lagu Naaneyso [Blacky] waxaa soo xiray unug ka tirsan ciidanka La-dagaalama Argagaxisada ee Kenya," ayuu sarkaal Kenyan ah u sheegay Warbaahinta.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa xusay in Haweeneyda Kenyanka ah iyo Wiilka ay isla socdeen ay Doonayeen inay u Gudbaan dhinaca Soomaaliya, haatanna ay su’aalo ka wey-diinayaan ujeedada ay damacsanaayeen.

Maxkamadda Gaarisa ayaa loo sheegay in labadan Tuhmane ay doonayeen inay u Gudbaan Dhinaca Somalia si ay Al-shabaab ugu biiraan, iyadoo sidoo kalena la Sheegay in Gabadha ay doonaysay inay guursato Xubin ka tirsan Al-shabaab.

Waxay kaloo Maxkamaddu dhageysatay eedda lagu soo oogay wiilka oo lagu magacaabo Cabdi Xuseen taasoo ahayd inuu  doonayay inuu Gabadha u fududeeyo sidii ay Somalia ku tegi lahayd, isla markaana uu doonayay qudhiisa inuu Al-shabaab ku biiro.

Zacharia Omwenga ayaa u sheegtay Booliiska inaysan Aqoon Gaarisa, balse uu soo qaaday wiilka la socday, meel ay u socotayna aysan aqoon, waxayna intaa ku dartay in inta badan uu Cabdi Xuseen ku hadlayay Taleefoonka Gacanta intii aan la qaban Habeenkii Arbacada ahayd ee aynu soo dhaafnay.

Booliiska Kenya ayaa weydiistay Maxkamadda in la siiyo maalmo dheeraad ah si su’aalo ay u Weydiiyaan labada Ruux ee Tuhmanayaasha ah, iyagoo Xusay inay dib ugu soo celin doonaan Maxkamadda marka ay baaritaankooda dhameystirtaan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay horay ugu Gooddisay inay Dalka Kenya ka geysan doonto Weerarro dheeraad ah, kaddib Mmarkii Kenya ay sannadkii 2011-kii kumannaan ka mid ah millaterigeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula Dagaallamaan Al-Shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya