Wasiiradda Waxbarashada Somalia oo Maanta Hor-tagaysa baarlamanka si su’aalo loo weydiiyo


Axad, Ogoosto 09, 2015 (HOL) — Wasiirada Waxbarashada & Tacliinta sare ee Somalia , Khadra Bashiir Cali ayaa maanta la filayaa in ay hor-tagto Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia, si ay su’aalo u weydiiyaan.

Maalintii shalay ahayd ayaa Wasiirada looga yeeray Baarlamanka, kaddib markii ay mudo hal toddobaad ah ay ka cudur-daaranaysay inay Hor-timaaddo Golaha Shacabka, si su’aalo looga weydiiyo arrimo ku saabsan waxbarashada.

Xildhibaanada ayaa wasiiradda waxyaabo badan ka weydiin doon Arrimaha Waxbarashada dalka, Maadaama ay Xukuumaddu Somalia dhawaan Qaaday Imtixaan guud oo Muqdisho iyo Gobollada dalka laga qaaday mar qura.

Dhanka kale, kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, kuwaasoo shalay aan jeedin hadal ku aaddan Xeerka Isgaarsiinta dalka oo horyaalla Baarlamaanka.

Ugu dambeyn, xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa horyaalla Xeerar badan oo la horkeenay, kuwaasoo laga doonayo inay meel-mariyaan inta aan la gaarin sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya