Madaxweynaha Jubbaland oo Xarigga ka jaray Bangigii Ganacsiga Kismaayo oo la Dayactiray
Axad, Ogoosto 09, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Xarigga ka jaray Bangigii Ganacsiga ee Kismaayo, kaasoo dhawaan dayactir lagu sameeyay, kaasoo ay ku Shaqeyn doonto Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland.
Madaxweynaha oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan goalaha wasiirada Jubbaland, Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane iyo Mas'uuliyiin kale ayaa Waxay Kormeereen dhammaan Qaybaha ay ka kooban tahay Xaruntan.
Axmed Madoobe oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta ayaa ugu horreyn u Mahad-celiyay Dhammaan Dadkii ka Qeyb-qaatay dib u dhiska Xaruntaan, iyadoo Madaxweynuhu uu ka codsaday Hay'aduhu inay laba jibaaraan Dadaallada Dib loogu dhisayo Xarumihii Hore ee Dowliga ahaa iyo Goobaha Muhiimka ah ee Adeegyada Bulshada.
Xuseen Cabdi Xalane oo Madaxweynaha ku Wehelinayay Xafladdii Xarig-jarka dhismaha ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay horumarka iyo dib u dhiska ka socda Kismaayo, isagoo arintaasi uga mahadceliyay maamulka Jubbaland oo uu xusay in ay dadaal geliyeen sidii loo soo celin lahaa bilicdii ay lahayd Kismaayo.
Dhinaca kale, Xuseen Cabdi Xalane ayaa beeniyay warar sheegayay inuu u sharaxan yahay Xilka madaxtinimo ee Jubbaland, isagoo sheegay in wararkaasi ay yihiin wax kama jiraan, wuxuuna Xusay inuu Taageersanyahay Madaxweyne Axmed Madoobe oo u sharaxan inuu mar kale qabto xilka Madaxtinimo ee Maamulka Jubbaland.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- COL. CABDOOW: Guddi ayaa loo Saaray Dadkii Rayidka ahaa ee lagu dilay Deegaanka Halgan
- Xuuthiyiinta Yemen oo laga Qabsaday Magaalo Muhiim ah oo ku Taalla Koonfurta dalka Yemen
- Booliiska Dalka Kenya oo Sheegay inay Qabteen Haweeney doonaysay inay ku biirto Al-shabaab
- Wasiir Odawaa oo Baydhabo ka Furay Shir lagu soo Xulayo Xildhibaannada Koonfur-galbeed
- Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo Maanta Su’aalo Weydiiyay Wasiirada Waxbarsahada XFS
- Al-bashiir oo Berri tagaya Uganda si uu uga qayb-galo shir colaada Koonfurta Sudan looga hadlayo
- Waaxda ka Hor-tagga Tahriibka Dalka Itoobiya oo Sheegtay inay Qabteen Kooxo Dadka Tahriibiya
- MADAXWEYNAHA SOMALIA: Waa in horay loo socdo is-qab-qabsiga iyo khilaafkana laga Gudbo
- QM oo soo Dhaweysay Heshiiska Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
- Weerarkii Hoteel ee Maali oo lasoo Af-jaray iyo Qaar ka mid Kooxihii Weeraray oo la Qabtay
- Wasiiradda Waxbarashada Somalia oo Maanta Hor-tagaysa baarlamanka si su’aalo loo weydiiyo




