
Axad, Ogoosto 09, 2015 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta Su’aalo Weydiiyay Wasiiradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Somalia, Khadro Bashiir Cali oo maanta hor-tagtay Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka FS, Xildhibaan Axmed Aabbi Aadan oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa Tilmaamay in u yeerista ay u yeereen Wasiiradda Waxbarashada ay u Cuskadeen Qodobka 69-aad ee Dastuurka Dalka iyo Qodobka 72aad ee Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Somalia, isla markaana Ujeedkiisu ahaa in Wasiiradda Su’aalo laga Weydiinayo arrimaha Waxbarashada dalka.
Wasiirad Khadra Bashiir oo Khudbad ka jeedisay Kulankii Baarlamaanka ee Manta ayaa uga mahad-celisay Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia u yeeristeeda oo Muujinaysa isla-xisaabtan dhab ah oo dhexmara hay’adaha dowladda Somalia.
Sidoo kale, Wasiiraddu waxay Baarlamaanka faahfaahin ka siisay Waxyaabaha Wasaarada Waxbarashada u Qabsoomay Muddadii Lixda Bilood ahayd ee ay hayso xilka Wasaaradda. iyadoo Xildhibaannada weydiisatay inay Sameeyaan sharci Mamnuucaya in goobaha wax lagu barto la Deegaameeyo sida Iskuullada.

Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa billaabay inay Wasiiradda su’aalo kala duwan weydiiyaan, Waxaana Su’aalaha la Weydiiyay Wasiirada Waxbarashada ka mid ahaa: Hir-gelinta barnaamijka aada dugsiyada (Go to school) sida loo maamulo deeqaha waxbarasho, qaadista Imtixaanka Qaran ee Dugsiyada Sare, bixinta Shahaadooyinka, tababarada la siiyo Macallimiinta, Qorshaha Wasaaradda ee Sannadaha 2015 iyo 2016, Sameyna Sharciyada Waxbarasho iyo in Gobollada Dalka lagu baahiyo Adeegyada Waxbarashada.
Wasiiradda Waxbarashada, Khadra Bashiir oo Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia uga Jawaabtay Su’aalahaas ayaa Xustay in Deeqaha Waxbarasho ay Wasaaraddu si Siman ugu Qaybisay Gobollada dalka, iyadoo kaashanaysa maamul-goboleedyada dalka, Waxay sidoo kale Faahfaahin ka bixisay Qorshaha Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ee ku Aaddan Ardayda aan gelin Imtixaankii Dugsiyada Sare ee ay dhawaan Wasaaraddu Qabatay.
Ugu dambeyn, 32-xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku Qoray inay Su’aalo Weydiiyaan Wasiiradda, waxaana hadlay toddoba Xildhibaan oo keliya; iyadoo ay hareen 25 xildhibaan kuwaasoo iyaguna berri su’aalahooda weydiin doona Wasiiradda oo dib ugu soo laabanaysa Baarlamaanka.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa isla maanta loo Qaybiyay Mooshin ay xildhibaanno ku Dalbanayaan in wax lagaga bedello Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo dhawaanahan ay dooddiisu ka socotay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya